Tirada Xildhibaanno Cusub oo maanta ku biiray Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Fadhi uu saaka yeeshay Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa ka qayb-galay mudaneyaal oo cusub oo buuxiyey boosaska xildhibaanno siyaabo kala duwan ku waayey xubinimadooda.

Saddexda xubnood ee Saaka markii u horeysay ka soo xaadiray Golaha, ayaa midkood buuxiyey Booskii uu banneeyey Guddoomiyihii hore ee Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadda ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, halka labada xildhibaan ee kale buuxiyeen boosaska labada marxuum ee kala ah Xasan Cawaale Caynaan iyo Cabdiraxmaan Talyanle oo labaduba dhawaan geeriyooday.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Baashe Maxamed Faarax, waxa war-bixinno lagaga dhegaysanayey qaar ka midah Guddi-hoosaadyada Golahaasi ka kooban yahay.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO FAAHFAAHSAN

https://youtu.be/Uq375XipsH0

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net