Tirada Xildhibaannada Labada Gole Baarlamaan Ee U Codeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare

Hargeysa, (SLpost)- Fadhi wada-jir ah oo ay maanta yeesheen labada gole baarlamaan ee wakiillada iyo guurtida ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee Somaliland.Prof.-Aadan-Xaaji-Cali

Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed waxa dhawaan jagadaasi u soo magacaabay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka dib markii uu xilka ka qaaday gudoomiyihii hore ee maxkamada sare.

Fadhigan wada-jirka ah ee maanta labada gole baarlamaan yeesheen waxa gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, iyadoo uu shirguddoonka ka mid ahaa gudoomiyaha golaha wakii;lada Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro).

Waxaana fadhigaas kasoo xaadiray 122 xildhibaan oo ka mid ah 164-ka mudane ee labada gole ka kooban yihiin, waxa codkooda siiyay 110 xildhibaan, waxa ka aamusay 11 xildhibaan cid diidayna may jirin, sidaas ayaanu ku ansaxay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed.

Somalilandpost.net