Tirada Muhaajiriin Soomaali ah oo ku Geeriyooday Shil-baabuur oo ka dhacay dalka Sudan

Khartuum (SLpos)- Tahriibayaal Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 13-qof oo haween iyo rag isugu jira, ayaa ku geeriyoodeen shil baabuur oo ka dhacay meel u dhow magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan.

Dadkan ayaa ku tahriibayay baabuurta dheereeya ee loo yaqaanno Xaajiyada ama TOYOTA HILUX, waxaanu shilku ku dhacay wakhti gaadhigooda oo xawaare ku socday uu ka dhacay meel jar ah, halkaasna ay ku geeriyoodeen tabriibayaasha Soomaalida ah oo aan la shaacin deegaanada ay ka soo kala jeedaan.

tahriibMasuul ka tirsan safaaradda Soomaalida ee magaalada Khartuum, ayaa sheegay in dadka ku geeriyooday shilka wajiyadooda la aqoonsan la’yahay, isla markaana uu shilku ahaa mid aad u fool xun oo sababay in la kala garan waayo wejiyada dadka.

“Wuxuu ahaa shilku mid aad u fool xun, tahriibayaashii ku geeriyoodayna waa la aqoonsan la’yahay wajiyadooda, hal gabadh oo dhaawac ah ayaa ka nool dadkii gaadhiga saarnaa, dhaawaceeda waa culus yahay, waxaa la dhigay Isbitaalka Umu-Durmaan,” Sidaa waxa yidhi Sarkaalkan oo u warrmayey laanta Afka Soomaalida ee BBC-da.

Sidoo kale, sarkaalku wuxuu intaas ku daray in meydadka aan la aasi karin, maadaama ay socdaan baadhitaanno lagu ogaanayo magacyada dadka shilka ku geeriyooday, isagoo xusay in masuuliyiinta safaaradda Soomaalidda ay wadaan dedaallo lagu aqoonsanayo dadka geeriyooday.