Tirada Maxaabiis uu Madaxweynaha Somaliland Cafis u fidiyey

Somaliland President, Muse Bihi Abdi on his arrival from Addis ababa today

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu caawa soo saaray, waxa uu cafis ugu fidiyey maxaabiista ku xukuman dambiyada fudud ee ku jira Xabsiyada dalka

Somaliland President, Muse Bihi Abdi

Wareegtada Madaxweynaha oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-509/052020, waxa uu madaxweynuhu ku sheegay in isaga oo tixgelinaya Xuska Maalinta 18-ka May uu Cafis u fidiyo 365 Maxbuus oo ku xidhan Xabsiyada dalka, waxaanu madaxweynuhu sheegay inaanu Cafiskani saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen.

Wareegtada madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan:-

Wareegto Madaxweyne: Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;
Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/211/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020;
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/110/2020, kuna taariikhaysan 17/05/2020;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, Xuska Maalinta 18-ka May darteed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 365 (Saddex Boqol iyo Shan iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtadiisa.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sidan kale Bishii March ee sannadkan, waxa uu Cafis u fidiyey 800 Maxbuus oo dambiyo fudud ugu jiray xabsiyada dalka, iyadoo go’aankaasi qayb ka ahaa dedaallo lagaga hortagayo faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net