Tirada Kiisaska Covid-19 ee Somaliland oo Gaadhay 103 Qof iyo Warbixintii u dambaysay

 

Hargeysa (SLpost)- Tirada laga helay cudurka COVID-19 ee Somaliland ayaa guud ahaan gaadhay 103 qof, kaddib markii ay wasaaradda Caafimaadku maanta shaacisay 16 kiis oo cusub oo laga helay 15 qof oo muwaadiniin ah iyo hal qof oo u dhashay dalka Ethiopia.

Sida uu warbixinta maalinlaha ah ku shaaciyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caaafimaadka, 16 Qof ee cudurka laga helay, ayaa isugu jira 8 qof oo Dumar ah iyo 8 Rag ah, kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 20-jir ilaa 90-jir.

Ma jiraan kiisas cusub oo dhimasho ah oo Wasaaraddu shaacisay maanta, balse tirada guud ee ilaa immika xannuunka ugu dhimatay gudaha Somaliland, ayaa gaadhaysa 8 qof, halka 8 qof oo kalena ka bogsadeen xannuunka.

Warkan oo Faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose