Tirada iyo Magacyada Garsooreyaal Laysku Beddelay, qaar shaqada laga saaray iyo Xeer ilaaliyeyaal la Ansixiyey

Xuseen Axmed CaydiidHargeysa (SLpsot)- Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa maanta soo saaray wareegto uu isku beddel iyo xil ka qaadis ku sameeyay garsooreyaasha maxkamadaha dalka qaarkood.

Waxa kale oo wareegtada Wasiirka lagu shaaciyey ansixinta ku-xigeenno Xeer ilaaliyeyaal Guud oo ooh ore loo magacaabay.

  1. Garsooreyaasha la Magacaabay

– Yuusuf Liibaan Cumar, waxaa loo magacaabay  Gudoomiyaha Maxakamadda rafcaanka ee gobolka Sanaag;

– Maxamed Cabdillaahi Kabadhe, waxaa loo magacaabay Garsoore Maxakamadda Degmada Hargeysa;

  1. Garsooreyaal la beddelay

– Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid, waxaa laga bedelay Gudoomiyaha Maxakamadda degmada Hargeysa, waxaana loo bedelay garsoore Maxakamadda Gobolka Maroodijeex;

– Mukhtaar Daahir Jibriil, waxaa laga bedelay Garsoore Maxakamadda Degmada Salaxley, waxaana loo bedelay garsoore Maxakamadda degmada Sayla;

– Ilyaas Daa’uud Ibraahim, waxaa laga bedelay garsoore Maxakamadda Saylac, waxaana loo bedelay Degmada Sallaxley;

  1. Anixin iyo bedel kuxigeenno Xeer Ilaaliyeyaal Guud

– Aadan Salaad Seed, waxaa loo ansixiyay bedelkii loo bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maroodijeex;

– Yuusuf Biixi Maxamed, waxaa laga bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Saaxil, waxaana loo bedelay Madaxa xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Gabiley;

– Xuseen Cali Khayre, waxaa laga bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Maroodijeex,waxaana loo bedelay kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Togdheer;

  1. Shaqo Ka saarid Garsoore

– Garsoore Cabdisalaan Xaaji Xirsi, waxaa laga saaray shaqadii Garsoorka;

 

SOMALILANDPOST.NET