Tirada iyo dalalka laga leeyahay Baasaaboorro Been-abuur ah oo lagu qabtay Madaarka Hargeysa iyo Dareennada ka dhashay

Hargeysa (SLpost)- Madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa intii u dhaxay bishii August ee sannadkii 2013-dii iyo bilowgii sannadkan, waxa lagu qabtay baasaboorradii ugu tirada badnaa ee Been-abuur ah oo ay siteen dad ka soo degayey iyo kuwa ka dhoofayey madaarka.

Maamulaha Madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Taliyaha Laanta Socdaalka ee Madaarka Gaashaanle Cabdi Saleebaan, ayaa soo bandhigay 320 Baasaboorro been-abuur ah oo sannadkii u dambeeyey lagu qabtay madaarka Hargeysa, kuwaas oo ay siteen dad ka soo degay iyo kuwo ka dhoofayey madaarka.

basabooroBaasaaboorrada Ajaanibka ah oo ay Qabteen Ciidamada Ammaanka iyo hawl-wadeennada Madaarka Cigaal International Airport, ayaa laga leeyahay waddamo ka tirsan Qaaradda Yurub iyo Woqooyiga Ameerika.

Labada masuul oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Madaarka kaddib shir lagaga hadlay oo masuuliyiinta madaarka iyo laamaha Amnigu kaga hadleen arrintan, ayaa soo bandhigay 320 Baaboor oo laga leeyahay sagaal waddan oo ku yaala qaaradaha Yurub iyo Woqooyiga Ameerika.

In kasta oo documentiyada sharci-darrada ah ee masuuliyiinta iyo laamaha Ammaanka Madaarku soo bandhigeen, ay yihiin kuwii ugu tirada badnayd iyo markii u horeysay ee la shaaciyo baasaaboorro been-abuur ah oo la qab-qabtay, balse masuuliyiintu ma sheegin halka ay ku dambeeyeen iyo tallaabada ay ka qaadeen dadkii sitay ee lagu qab-qatay baasaboorradan, taas oo calaamatul-su’aal galisay ujeeddada laga leeyahay maadaam aan la shaacin tallaabadii laga qaaday iyo halkay ku dambeeyeen dadkii lagu qab-qabtay.

HALKAN KA DAAWO MASUULIYIINTA