Tirada Guud ee Dadka indhoolayaasha ahi wakhtigan imisa ayey Somaliland ka mareysaa? – W/Q: Ceelaabe

Mid ka mid ah Laxaadka  Qaaliga ah ee Qofka nooli Heysto Ayaa waxa ka mid ah Indhaha ama Aragtida Qaaliga ah.Waa Quruxda Wejiga,Waa Mida  inoo Suurta gelisa in aynu Aragno wax kasta,Wax xun,Wax wanaagsan,Midab kasta,Qof kasta,Qalab kasta,Dhulkasta iyo Magaalo kasta.waa Mida kugu Hageysa Halka aad beegsaneyso,Waa aragtida aad kaga Fogaaneyso wax kasta oo ku Dhibaya ama aaney aheyn in la Jiidho.Gurigaad ku garataa,Qofkaad ku garataa,Suuqaad ku garataa,Masaajidkaad ku aragtaa kuna Tagtaa Indhahaaga.Indhahaagu waa kuwa aad wax ku barato,Ku Akhristo kuna Daawato.Jidka toobiyaha Ishaada Ayaa kuu saarta toosni.Habeen iyo Maalinba waxbaad ka Arkeysaa.Waa Hadyad Qaali ah iyo Nimco Xaga Rabi laga Helo,Wada Shaqeynta ay Maskaxda la Leedahay Ayaana xitaa u suurta gelisa in ay Madowga wax ka Raadiso meel aaney Arkeynin.

Waa Markii Labaad ee Qormadani aan soo Cusboneysiiyo,Hore Ayaan idinku soo Qorey Mawduucan Qeybtiisi Hore kaasi oo ku soo Baxey “Ushii Indhoolaha”.Waa wax ka maqan qaar badan oo ka mid ah dadkeenu marka laga hadlaayo aragtida iyo Indhuhuba.Haddii dadka qaarkood ay ku Farxi lahaayeen in ay Saacad aduunka si fiican u arkaan,Qaar aragtidoodii heysta oo aaney ka lumin Ayaan kaba warqabin Nimcada la Joogta.Haddii dadka qaarkood Casaan iyo Cadaan,Madow iyo Buluug aaney kala ogeyn,Dadka qaarkoodna Saxarka yar ee il Maqabateyga ah ayey ku Arkayaan.Maxaad waxbaran Haddii aanad indhaba Laheyn,Maxaad wax baran marka Dhago la,aana kuugu Biirto.Dadka indhaha la,Dugsigooda waxa ay u bixiyeen Dugsigii indhoolaha,Kuwa kalena waa Dugsiyo Magacyo kale lagu Lifaaqo.Tirada Guud ee Dadka indhoolayaasha ahi wakhtigan imisa ayey Somaliland ka mareysaa?.

Dad badan oo Indho la, Ayaa dawarsada ama wadooyinka Dhinacyadooda taagan,Kuwaasi waxa la sheegaa in ay Ku Jiraan dad badan oo Indhahoodi qaba,waxna arkaya hase ahaate Fahmey sida Suuqa lacag lagaga heli karo,Waa dhab kuwo aan indho laheyni wey Jiraan oo Aniga ayaaba arkey,Laakiin qaar kale oo iska dhiga laakin ku Arkayana waa la i tusay.Miyaaney markaa dhibaato aheyn in Qofku indhoole iska dhigo la hagaayo,ulna sita isaga oo wax Arkaaya.Dhinaca kale waa maxey Xanuunada isha gaarka ugu dhici kara ee ku sababa in Aragtidu daciifto ama Indho la,aan loo Gudbo.Ma daawooyin si Khaldan loo Qaateybaa,Ma dagaal qofka indhaha laga soo Ridaa,Ma qofka oo Indhaha wax kaga Qarxaan baa ama Xabadi kaga dhacdo.Basbaas haddey dumarku ku dagalamaan oo indha iskaga buuxiyaan wax ma  Yeelayaa.Cadceeda,Wax akhriska badan,Miinooyinka iyo Qaraxyada,Shilalka iwm Ayaa sababa in indhuhu wax Noqdaan,Laakiin Ishu wey Ayaan badan tahay Agteedana Waxa Heysta Dhibaato.Xanuunada Qaarkood Ayaana dhaawaca Aragtida qofka sida Macaanka iyo Dhiig karka.

Shaqada,Gabowga iyo Daalka Ayaa saameyn badan ku leh Aragtida iyo Shaqada indhaha,Wax akhriska iyo Qorida badan ama Isticmaalka Computerka oo aan Muraayad loo Qaadanin Ayaa dhaawac halis ah gaadhsiin kara Isha qofka.Markasta oo aad sii weynaato waxa hoos u dhac ku socdaa Qeybta aragtidaada,Wax akhriska iyo Shaqada Ayaana sabab u ah in indhahaagu Xanuun Yeeshaan.Shaqada Farsamada gacanta Ayaana ugu badan kuwa ku taliya in indhaha laga ilaashado.Dadka waaweyn nin aan Laba muraayadood sidan oo kolba mid la soo baxeyni wuu yar yahay,Wakhtigan waxa Badan dadka xidha Muraayada xaragada ama mid Hadh siisa Indhaha oo Habeen iyo Maalinba ah.Suxufiyiinta,Shaqaalaha,Maamulada  iyo Macalimiinta Ayaa muraayadaha inta badan weheshada.

Daawooyinka Dumarku Marsadan suniyaha Hoostoda ama indha dushooda oo ah kuwo iskugu Jira Midabo kala duwan,wakhtigana aad loo Isticmaalo Ayaa ka qeyb qaata Indho la,aan qofkaasi Mustaqbalka ku iman karta.Qofna waa Mid labadiisa indhoodba waaya,Midna waa mid midna xanuuneyso ama aan waxba ka arag Midna u bad qabto.Araga fog iyo Midka dhow labadaba qofka si ayey ugu soo kala horeeyaan marka laga hadlaayo in indhaha qofku daciifaan.Xanuunada caanka ah ee Indhaha ku dhacana waxa aynu aad u maqalnaa Bakoorada ama daafka.Dhinaca kalena Cuntooyinka Aragtida qofka Kobciya ama Indhaha u fiican ayey Dhakhtaradu kula soo Taliyaan dadka sida Carrots.

Markasta oo aad sii weynaato, waxa soo Daciifi kara Awoodii Aragtida araga Indhahaagu ku socotey,Waana dhab in qof kasta gabowgu dhinac kaga soo Horeeyo,Mid indho la,aan ama xaga araga,Mid xaga Maqalka,Mid xaga socodka iyo Awooda Jidhka,Mid maskaxda iyo isku darsan iwm.Degreega Aragtida  kaaba ama isha cawiya Ayaa dad badani ku socdaan kuna Shaqeystaan.Weynida oo Qudhana maaha ee Xitaa caruur aan 10 Jir gaadhin Ayaa qeybta aragtidu Zero noqotaa kuwaasi oo loo Xidho Muraayado Degree badani ku Jiro,Mucaarayadii Cimriga ayey u bixiyeen kuwa Aragtida qofka ka caawiya,oo aad ku dawakheyso haddii aad xidhato marka aan lagu qorin.

Somaliland waxa ka Jira Adeeg marar badan Dadka indhaha loogu Jeexo ama Qalo,Kuwaasi oo dad badani ka Faa,ideystaan si loogu Fiiqo Indhaha.Qof aragtidiisii wada Hela,Mid labada indhood midkood loo soo Celiyo,Mid waxba laga qaban kari waayo iyo Mid waxooga isbedel ah lagu sameeyo marka laba ama saddex Jeer lagu Celiyo.Waxaan Xasuustaa maalin aan Booqdey Mid ka mid ah Dhakhtarada indhaha ee ugu Caansan somaliland oo wakhtigaasi Tirada Numberku Mareysey ku Dhawaad 40 qof. 

Isku soo wada Duub Horta Ishu waxa ay rabtaa in la tababaro oo lagu tababaro wixii ilaahey Yidhi ku eeg,Lagana fogeeyo wixii danbi ah ee ay Daawaneyso,waxa Jira indho xaqa ka daahan oo aan waxba arag iyo kuwa wax kasta oo wanaagsan arkaya.Dhinaca kale wadankeena kama Jirto in qofku marka uu dhinto Indhihiisa ku tabaruco si loogu celiyo qeybta araga Mid kale oo aan waxba arkeynin,Inkasta oo diinta islaamku aaney ogoleyn in qof dhintey Xubnihii Jidhkiisa lagala sii Hadho,6 saacadood ee ugu Horeeya marka qofka Naftu ka baxdo Ayaana indhihiisa laga faa,ideysan karaa wixii ka danbeeya Dhakhtaradu mey amaanin.ushii Indhoolaha,Usha hageysa ee u gaarka ah Indhoolaha u Fiirso.Maalina qof indho la Ma sii qabatey Gacanta.