Tirada Go’aamo Xaasaasi ah oo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland iyo Magacyada Guddi Wasiirro ah oo loo xil-saaray meel-marintooda

Hargeysa (SLpost)- Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland oo todobaadkiiba halmar ka qabsooma madaxtooyda Somaliland, ayaa maanta laga soo saaray go’aamo xaasaasi ah oo salka ku haya masiirka dalka, kuwaas oo isugu jira siyaasadaha arrimaha Gudaha iyo Dibadda.

Golaha wasiiradaKal-fadhigii labaad ee ay yeeshaan golaha wasiirada Xukuumadda cusub ee Kulmiye oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo maanta ka qabsoomay hoolka shirarka golaha wasiirada, ayaa dood-dheer oo ay yeesheen ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay laguna lafo-guray qodobo muhiim u ah qaranka iyo shacbiga Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada oo xambaarsanaa nuxurka qodobbada ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu shaaciyey Afar Qodob oo ka soo baxay shirka kuwaas oo hirgelintooda loo xil-saaray Guddi wasiirro ah oo ka kooban lix xubnood.

Go’aamada maanta ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sida war-saxaafadeedka lagu sheegay kala ah sida tan:-

Golaha wasiirada21.   In Dawladda Somaliland ay gardaro cad u aragto faro-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay hawada Somaliland, sidoo kalena ay qaar ka mid ah maamulkeedu soo galaan xuduudaha Somaliland, taasina maaha mid ay Somaliland u dulqaadan doonto wixii hadda ka danbeeya.

2.      In la xoojiyo go’aankii wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeyntu ay ka soo saartay joojinta dhulka danta guud ee qaranka.

3.      In la joojiyo qabyaalada loo isticmaalo warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawl-gasha.

4.      In  xubnahan hoos ku xusan loo saaro inay ka shaqeeyaan xal u helidda qiima dhaca shilinka Somaliland, xubnahaas oo kala ah:-

  • Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada, Yuusuf Maxamed Cabdi,
  • Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad
  • Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad
  • Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh Cabdilaahi Suufi
  • Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali iyo
  • Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale)

Â