Tirada Dhimasho iyo Dhaawacyo ka dhashay Mudaharaad Xooggan oo Gilgilay magaalada Burco

Burco (SLpost)- Mudaharaad lagu taageerayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada isla markaana lagaga soo horjeeday Mooshin ka dhan Guddoomiye Cirro oo saaka Mudayaasha Wakiilladu u ballan-sanaayeen balse la baajiyey, ayaa saaka ka dhacay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxaana bannaan-baxaasi sababay geerida hal qof halka shan kalena dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen.

burcoo (2)Haweenay dhalinyaro ah oo aanay suurto-galin inaanu magaceeda helno, ayaa ku geeritay muddaharaadka saaka, ka dib markii ciidamada booliska oo ka hortagayey bannaan-baxaaasi rasaas ay ku kala kacaynayeen dadkaasi ku dhacday haweenaydan. Waxa kale oo rasaastaas ku dhaawacmay dhowr qof oo ka mid ah bannan-baxayaasha.

burcoo (1)Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in Rasaas ay Ciidammada Ammaanku doonayeen inay ku kala kaxeeyaan dadweynaha muddaharaadka waday inay ku dhacday Gabadh oo ay geeriyootay, isla markaana ay dhawr qof oo kale ku dhaawacmeen.

SOMALILANDPOST.NET