Tirada Dhimashada ka dhashay Rabshadaha ka Socda Masar oo sii Kordhaysa

Qaahira (SLpost)-Ugu yaraan 24 ruux ayaa dhimatay, in ka badan 200 oo qof oo kalena waa ay dhaawacmeen kaddib  isku dhacyo milateriga Masar iyo taageerayaasha Madaxweyne Dr. Maxamed Mursi ku dhex maray magaalada Qaahira iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalkaas.

Kumannaan taageerayaasha Madaxweyne Mursi ayaa isugu soo baxay Masaajidka Rabea Al- Adaweya ee magaalada Qaahira iyagoo garaacaya durbaano, waxa ayna sheegeen inay u dhimanayaan taageerada Madaxweyne Maxamed Mursi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in milaterigu uu rasaas oodda kaga qaaday kumannaanka taageerayaasha Madaxweyne Mursi ee dibad-baxa dhigayay, kuwaas oo isku dayay inay ku hor Mudaaharaadaan Wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaasi Masar.

Milateriga ayaa xukunka ka tuuray madaxweynaha maalintii Arbacada ee todobaadkii hore, iyagoo laalay gabi ahaanba dastuurkii dalkaas, waxayna sheegeen inay tallaabadaasi u qaadeen si ay u joojiyaan khatarta ka iman kartay dibadbaxyadii shacabka ee ka dhanka ahaa Madaxweyne Maxamed Mursi.

pro-morsi demonstrationsQul-qulatooyin cusub oo ilaa shalay ka bilaabmay dalkaasi Masar, ayaa ka dhashay ka dib markii ay soo baxeen warar lagu sheegay in Raysal-wasaaraha dalkaas loo dooran doono hoggaamiyaha mucaaradka ugu miisaanka culus dalkaas Maxamed Al-Baraadici oo horena u ahaa Agaasimihii hay’adda Xakamaynta hubka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, isaga oo markii uu xilkaas ka hawl-gabay u tafaxaytay inuu ka qayb-qaato siyaasadda dalka Masar.

SOMALIALNDPOST.NET