Tirada Dadka u dhintay Cudurka Ebola oo kor u dhaafaysa 4,000 iyo waddamada Reer Galbeedka oo heegan culus galay

LONDON (SLpost)- Tirada dadka u dhintay Cudurka Ebola oo saamayn ballaaadhan ku yeeshay adduunka, ayaa kor u dhaafaysa 4,000 oo qof tan iyo markii uu cudurkani ka dillaacay Galbeedka qaaradda Afrika bishii saddexaad ee sannadkan.

Sida lagu baahiyey warbixin hor leh oo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadku ka soo saartay cudurkan, ayaa tilmaamaysa in tirada dadka cudurkan u dhintay ay gaadhayso 4024 qof oo geeridooda la xaqiijiyey ama loo ga shakisan yahay iinay ku geeriyoodeen waddamada Galbeedka Afrika ku yaala ee Guinea, Liberia iyo Sierra Leone.

Ebola Outbreak (2)Siddeed ka mid ah dadkan ayaa xannuunkan ugu dhintay waddanka Senegal ee galbeedka Afrika halka qof kale oo u dhashay waddanka Liberia uu todobaadkii hore cudurkan ugu dhintay waddanka Maraykanka.

Sida ay lagu sheegay war-bixinta Qaramada Midoobay, wadarta guud ee la xaqiijiyey in cudurkani haleelay ayaa gaadhaysa 8,399 qof oo badankoodu ku nool yihiin wadamada Galbeedka Afrika.

Qofkii u dambeeyey ee cudurkani haleelo ee meel ka baxsan qaarada Afrika, ayaa ah haweenay kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay waddanka Spain, taas oo daawaynaysay Baadari ka hawl-galayey waddamada Galbeedka Afrika oo cudurkani ku dhacay.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Teresa Romero oo xaaladdeeda caafimaad liidato, ayaa lagu dawaynayaa cusbitaal ku yaala magaalada Madrid ee dalka Spain.

Raysal-wasaaraha dalka Spain, Mariano Rajoy, ayaa maanta magacaabay guddi gaar ah oo loo xilsaaran xakamaynta kiiskan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee lagu arko qaaradda Yurub.

Ebola Outbreak (1)Waddamada Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa xoojiyey baadhitaanno lagu samaynayo dadka rakaabka ah ee isticmaalaya madaarrada dalalkaas, si looga hortago halista cudurkan oo lagu tilmaamay inuu khatar ku yahay xasiloonnida adduunka.

In ka badan 233 shaqaalaha Caafimaadka ah ee ka hawl-gala Galbeedka Afrika, ayaa u dhintay cudurka Ebola, taas oo ka dhigaysa faafista Virus-kii ugu dhimashada badnaa adduunka inta la ogyahay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

SOMALILANDPOST.NET