Tirada Dad ugu dhintay iyo qaar u jiifa Cudurka Shuban-biyoodka oo mar kale ka dillaacay Qaybo ka mid ah Gobolka Awdal

Tirada Dad ugu dhintay iyo qaar u jiifa Cudurka Shuban-biyoodka oo mar kale ka dillaacay Qaybo ka mid ah Gobolka AwdalHargeysa (SLpost)- Ugu yaraan 6 qof ayaa meelo kala duwan ugu geeriyooday Xannuunka Shuban-biyoodka oo mar kale ka dillaacay gobolka Awdal halka tiro lagu qiyaasay 776 qof oo cudurkani soo ritay caafimaadkooda lagula tacaalayo  cusbitaallada gobolkaas.

Warkan ayaa lagu shaaciyey kulan ay maanta magaalada Boorama ku yeesheen Maamulka Gobolka, Ka degmada, masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada Caafimaadka ee gobolkaas.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN