Tirada Dad u dhintay Shuban-biyood ka Dilaacay Magaalada Burco iyo Qaylo-dhaanta Maamulka Caafimaadka ee gobolka Togdheer {DHEGAYSO}

sawirka
DR CABDI YAASIIN

“Xannuunnaa ka dillaacay Jadeecadu ka mid tahay iyo darxumooyin kale oo nafaqo-darradu ka mid tahay, markaa immika waxay Qayla-dhaantu ka jirtaa degmada Qorulugud gaar ahaan deegaanka Coodanle la yidhaahdo oo baryahanba ay ka jirto Jadeecdo,”

Burco (SLpost)- Laba Qof ayaa magaalada Burco ee Xarunta gobolka ugu dhintay cudurka Shuban-biyoodka oo ka dilayaacay magaaladaas, halka dad kale oo dhowr iyo toban gaadhayana cusbitaalka guud ee magaalada lagaga daweeyey xannuunkaas.

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr Cabdi Yaasiin oo warbaahinta kula hadlay magaalada Burco, ayaa shaaca ka qaaday Cudurka Shuban-biyoodka oo ka dilaacay Xaafadda Madiina oo ka tirsan Magaalada Burco, isla markaana ay halkaas ugu geeiyoodeen laba qof halka dhowr iyo toban oo qofna cusbitaalka weyn ee magaalada lagaga daweeyey cudurka.

Dr Cabdi Yaasiin waxa uu wasaaradda Caafimaadka Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ay wada-shaqaynta leeyihiin ugu baaqay gurmad deg-deg ah oo lagula tacaalo cudurka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay xaafadda Madiina oo ku taala Hawdka magaalada Burco, halkaas oo ay laba qof ugu dhinteen halka tobannaan kalena xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka magaalada Burco.

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer, waxa kale oo uu sheegay in deegaanka Coodanle oo ka tirsan degmada Qurulugud ee gobolka Buuhoodle uu ka dillaacay Cudurka Jadeecadaha oo dad badan soo ritay, isla markaana ay deegaankaas u diray kooxo ka tirsan wasaaradda caafimaadka oo taageero ka helaysa ururka Bisha Cas.

 

 

Radio GUJI HALKAN SI AAD U DHEGAYSO