Tirada Dad Dhintay iyo Qaar La La’yahay Mareykanka Iyo Mexico, Ka Dib Duufaan Ku Dhufatay

Texas, (SLpost)- Gobollo ka mid ah dalka Mareykanka iyo Mexico ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 19 qof,a ka dib markii ay ka da’een roobab laxaad leh, isla markaana dabaylo wata.mexico-tornado

Roobabkan dabaylaha wata oo maalmihii u dambeeyay ka da’ayay gobollo ka mid ah Mareykanka iyo dalka Mexico ayaa sidoo kale sabab u noqday burbur baaxad weyn oo soo gaadhay dhismeyaasha iyo waddooyinka iyo weliba gaadiid tiro badan oo daadadku qaadeen. Waxa kale oo ay roobabkani waxyeello soo gaadhsiiyeen korontadii gobolladaas oo meelo badan ka maqan.

Inta badan dadka dhintay ee la xaqiijiyay ayaa ku sugnaa magaalada Acuna ee xadka Maxcico, oo ay ku dhufatay duufaanta Tornado.

Gobolka Texas ee Mareykanka ayaa isagana la sheegay inay ku dhinteen saddex qof, laba iyo toban kalena la la’ayhay, ka dib markii daadad ay qaadeen guriyahoodii.

Somalilandpost.net