Tirada Dad ku dhintay Diyaarad u socotay Muqdisho oo ku burburtay Nairobi

Nairobi (SLpost)- Diyaarad Qaad u sidday Soomaaliya ayaa saaka subaxnimadii ku burburtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi, waxaana ku dhintay Afar qof oo isugu jiray duuliyeyaashii iyo shaqaalihii kale ee diyaaradda.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku dhacday dhisme ku yaalla garoonka wax yar kaddib markii ay ka duushay garoonka, taasoo keentay inay burburto, iyadoo aanay jirin cid kale oo waxyeello kasoo gaadhay burburka diyaaraddan.

Security personnel stand at the site of the wreckage of a cargo plane that crashed into a commercial building on outskirts of Nairobi“Diyaarad nooceedu ahaa Fokker 50 oo ay saarnaayeen afar shaqaale ah ayaa saaka ku burburtay dhisme ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta,” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay soo saareen maamulka garoonka caalamiga ah ee Nairobi.

Sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku dul dhacday dhisme ganacsi oo ka kooban dukaammo iyo bakhaarro, balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

Ilo wareedyo ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda ay dhinteen. “Dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda way geeriyoodeen… diyaaradda waxaa qabsatay cillad xagga dabka ah, taasoo sabab u noqotay inay dhacdo,” ayaa lagu yiri warbixin booliisku soo saareen.

Qiiq madow ayaa ka kacay dhismaha ay diyaaraddu ku dhacday, kuwaasoo qaar ka mid ah u muuqday inay ahaayeen kuwo ay dhisme ku socotay. Iyadoo agagaarka garoonka ay ku yaallaan warshado iyo sidoo kale dhismayaal la dagan yahay iyo dukaamo.

Ururka bisha Case e Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka hal qof oo ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayna wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan dadkii kale eek u dhintay shilkan diyaaradeed.

Dhanka kale, madaxa garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta, Eric Kiraithe ayaa u sheegay warbaahinta in muddo kooban la xidhay garoonka markii uu shilku dhacay, balse ay dib u fureen, haddana uu garoonku si caadi ah u furan yahay.

Ciidamada booliiska iyo kuwa sirdoonka Kenya ayaa gaaray goobta ay diyaaraddu ku dhacday, iyagoo halkaas baadhitaanno kawada, waxaana diyaaraddan ay ka mid ahayd diyaarado maalin walba Qaadka u qaadi jiray Soomaaliya.