Tirada Dad Ay Ciidamada Masar Laayeen, Kuwaasoo Ay Ku Sheegeen Maleeshiyaadka Ka Dagaalama Gobolka Siinaay

Qaahira, (SLpost)- Ciidamada dalka Masar ayaa dilay 29 qof  oo ay sheegeen inay ahaayeen  maleeshiyada ka dagaalanta gobolka ee Siinaay, sida uu Reuters u sheegay af-hayeen u hadlay ciidanku.

Af-hayeenka oo lagu magacaabo Mohamed Samir ayaa sidoo kale wakaallada wararka ee Reuters u sheegay inay ciidanku gacanta ku dhigeen, isla markaana ay xabsiga u taxaabay 27 kale oo ka mdi ah maleeshiyadaas, isla markaana waxa uu xusay af-hayeenku inay dhulka la simeen goobo xarumo u ahaa maleeshiyadaas.

Maleeshiyaadka ka dagaalama dalka Masar ayaa sii kordhayay taniyo sannadkii 2013, ka dib markii ay milateriga dalkaasi xukunka xoog kaga tureen, isla markaana xabsiga dhigeen madaxweynihii sida xorta ah loo soo doortay ee Maxamed Mursi.

Sida uu sheegay af-hayeen Samir ugu yaraan 115 ka mid ah maleeshiyada ka dagaalanta waqooyiga dalka Masar bishii hore ee afraad.Masar

Somalilandpost.net