Tirada Ciidamada AMISOM ee lagu Dilay Soomaaliya oo la Shaaciyey

AMISOM-forcesNew York (SLpost)- Qaramada Midoobay, ayaa shaaca ka qaadday in kumanaan askar ah oo ka tirsan Ciidamada AMISOM lagu dilay Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2007-dii, xilligaasoo uu bilowday howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM).
Sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee Reuters, Ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson, ayaa sheegay in ilaa 3,000 askari oo Ciidamada AMISOM lagu dilay hawl-gallada nabad-ilaalinta ah ee ay ka wadaan Soomaaliya.
Mr Eliasson oo arrintan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Marka aad ogaato in 3,000 askari oo AMISOM ay ku dhinteen howl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya, aad baad uga argagexeysaa,”ayuu yidhi Mr Eliasson oo xusay in askartan lagu dilay Soomaaliya intii uu socday howl galka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in askarta ugu badan ee ku dhintay howl-galka ay yihiin ciidamada ka socda dalalka Uganda iyo Brundi, kuwaasoo ah ciidamadii ugu horeeyay eeSoomaaliya loo geeyo hawl-galka AMISOM oo Qaramada midoobay taageerto.
Tirada ciidamada AMISOM ka dhimatay howl galka Soomaaliya ayaa ah tiradii ugu badneyd ee la shaaciyo, iyadoo xilligan Soomaaliya ay kaga sugan yihiin ilaa 17,700 askari oo ka kala socda ilaa shan dowladood.
Ciidamada AMISOM ayaa ka caawiya dawladda Soomaaliya howl galka lagula jiro Xarakada Al-Sabaab, kuwaasoo gacanta ku haya inta badan Gobolada Koofurta iyo badhtamaha Soomaaliya.”

SOMALILANDPOST.NET