Tirada Arday ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo Saaka Xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay Mudaharaad sameeyeen

Hargeysa (SLpost)- Ciidamadda Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay arday ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo Saaka Mudaharaadka ka sameeyey magaalada Hargeysa, iyada oo ardaydii mudaharaadsaday lagu soo ururiyey xarunta wershadda Laydhka oo muddo todobaaddo ah bakhtiisneyd.

ardaydaTaliyaha Hawl-gelinta Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa markii Ardayda lagu soo ururiyey xarunta wakaaladda Korontada Hargeysa ku amray Askartii hawl-galka ku fulisay Ardayda in ay u qaybiyaan saldhigyada Hargeysa oo ay ku xidhaan.

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa Ardayda Jaamacadda Hargeysa ee xabsiga lagu guray si arxandaro ah u garaacay iyagoo Rasaas iyo qoryaha badhkooda danbe u adeegsaday, kuwaas oo Ardayda gaadhsiiyey dhaawacyo kala duwan.

Rasaasta Booliisku u adeegsadeen Ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa daafaha Hargeysa laga maqlayey, taasoo dad badan sas ku riday waxaanay wadada isku xidha Jaamacadda Hargeysa iyo Biriishka labaad isu rogtay goob aad moodo in Ciidamo isku galeen.

Illaa Afartameeyo arday ayaa lagu qabt-qabtay mudaraadka, kuwaas oo markii dambe loo dhaadhiyey saldhigyada booliska ee magaalada Hargeysa oo ay ku xidhan yihiin.

Ardayda la xidh xidhay ayaa cabasho ka muujinayey lacagta Fee-ga ee laga qaado, waxaanay doonayeen in ay Cabasho la hor tagaan Wasaaradda Waxbarashada balse Ciidamadda kala duwan ee Booliiska ayaa gacan ka hadal iyo rasaas kala hor tagay si aanay fursad ugu helin in ay gaadhaan Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada oo awal dhex tagi jirtay Ardayda marka ay Mudaharaad noocan oo kale ah sameeyaan ayaa saaka ka muquuratay waxaanay isku fasaxday Booliiska iyo Ardayda.

Diif iyo daal badan oo cadho weheliso ayaa ka muuqatay wajiyada Ardayda markii weerarka lagu qaaday, waxaanay u muuqdeen kuwo ku hal-adag dhibta lagu samaynayey oo aan ahayn mid u baahnayd in Ciidan iyo Rasaas Nool midkoodna loo adeegsado.