Tira-badnaanta Dugsiyada Hargesa oo sababtay in maamulka Waxbarashada Gobolka Maroodijeex Bari iyo Galbeed loo Qaybiyo

Hargeysa (SLpost)- Warar hordhac ah oo naga soo gaadhay wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegaya in maamulkii gobolka Maroodi-jeex ee wasaaradda Waxbarashada loo qaybiyay laba qaybood oo barri iyo Galbeed ah, kuwaas oo kala maamuli doona Dugsiyada iyo Macalimiinta ka hawl gasha.

Ilaa hada wasaaradda waxbarshadu si rasmi ah umay shaacin, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola ayaa Waaheen u xaqiijiyay in wasaaraddu hawshaas bilowday oo laba loo kala qaybiyay maamulkii Xarunta Gobolka Maroodi-jeex isla markaana loo magacaabay qaybta barriga Gudoomiyihii hore ee Gobolka Ismaaciil Dhubato.

Guddoomiyaha hada xilka haya waxa uu warku sheegayaa in loo daayay qaybta Galbeed ee Gobolka Maroodi-jeex, iyadoo hawshiisii maamul ku koobnaan doonto oo kali ah inta hoos iman doonta.

Samsam Cabdi AadanLama oga sababta kaliftay qorshahan cusub hase yeeshee ilo wareedka warka aanu ka helnay waxa uu sheegay in ay bateen Dugsiyada Gobolka ka jira iyo Macalimiinta ka hawl gasha oo lagu qiyaasay in ka badan boqol iyo konton Dugsi oo isugu jira Dhexe/Hoose, taasina ay keentay in maamul daadajin lagu sameeyo.

Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta wasaaradda waxbarashada ee Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Suldaan oo ay wararku sheegayaan in laga dhigay Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta Qaybta Barri oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa arrintaasi ka gaabsaday, waxaanu sheegay in ay tahay war suuqa ku jira ee aanu war rasmi ah haynin.

Hase yeeshee, warku waxa uu sheegayaa in Maamulka qaybta barri ee loo magacaabay Xarun looga dhigi doono Dugisga Sare ee Maxamuud Axmed Cali qaybo ka mid ah dhismayaashiisa, halka qaybta Galbeedkuna ay sii ahaan doonto xaruntoodii hore.

COURTESY: Waaheen