Timirtii Horaba dab loo Waa! – W/Q: Suxufi Maxamed Faarax Coomaade.

Markii ay burburtay dawladii dhexe ee Somalia 1991 waxaa qarxay dagaalo sokeeye oo lagu hoobtay kuwaasi oo ay ku naf waayeen kumanaan Soomaali ah,Qaramada Midoobay gaar ahaan Golaha amaanka ayaa bilaabay qorshe ay doonayeen in ay ka hortagaan in Xaaladu ka sii darto waxaanay soo saareen qaraarka cuna qabatayta hubka Soomaaliya oo tirsigiisu yahay 733 iyadoo loo codeeyey January 1992.

Suxufi Maxamed Faarax CoomaadeIn badan ayaa qaramada midoobay isha si toos ah ugu haysay cida jabisa cuna qabataynta hubka ee saran Soomaaliya iyadoo in badan dawlado kala duwan lagu eedeeyey in ay ku xadgudbeen haba u badnaadeen kuwa deriska ah.

Dadka soomaalida ah ayaa intooda badani ka dheragsanyihiin in Soomaaliya la ciir ciirayso hub xad dhaaf ah kaasi oo gacanta ugu jira kooxaha dawlada dagaalka kula jira,shacabka Soomaaliyeed oo haysta hub fudud oo gacanta ugu jira iyo waliba dawlada lafteeda.

Waxaa si wayn looga dheregsanyahay oo dadka Soomaaliyeed ogyihiin in hubku yahay waxaa halkaa dhigay ee maanta dalku ka degi la,ayahay sidoo kale aakhiro u diray kumanaan Soomaali ah oo aan waxba galabsan.
Hadaba waxaa muuqata oo aan caad saarnayn in dawlada Federaalka ee Soomaaliya dedaal ugu jirto in cuna qabataynta hubka laga qaado iyadoo umaddu khaati ka taagantahay hub sharci daro ah oo guri walba iyo goob walba yaala.

Waxaan leeyahay Soomaaliya uma baahna maanta hub hor leh oo la soo galiyo ee waxay u baahantahay xal siyaasadeed oo laga gaadho khilaafaadka taagan oo ay ka mid tahay hub ka dhigis,sugida amniga iyo soo celinta nidaamkii dawladeed oo dhamaystiran,cida ku fakaraysa in la qaado cuna qabataynta hubkana waxaan leeyahay Timirtii horeba dab loo waa!

W/Q Suxufi Maxamed Faarax Coomaade.