Thierry Henry oo muddo laba bilood ah amaah kula joogaya Kooxdiisii Hore

[stextbox id=”black”]SLpost Sports[/stextbox] – Kooxda Arsenal ayaa dhameystirtay heshiiskii amaahda labada bilood ee ay kula soo wareegayeen weeraryahankoodii hore Thiery Henry.

Ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda kooxda Gunners ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee labaad ee Arsenal waxa laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka Leeds ee FA Cupka, waxaana uu xidhan doonaa numberka 12aad.

Henry ayaa tababar la qaadanayay Arsenal madaama horyaalka Mareykanka uu fasax ku jiro, kumana laaban doono Mareykanka ilaa bisha March.

Iyadoo Gervinho iyo Marwan Chamakh ay ku sii jeedaan koobka qaramada Afrika, Arsene Wenger ayaa aaminsan in Robin van Persie uu u baahan yahay caawinaad. “Aad ayaan u faraxsanahay. Waa sidaan jeclaa, waa sidii uu Thierry jeclaa. Waxaan heysan doonaa Henry bilaha January iyo February ka dibna waxa uu ku laaban doono USA,” ayuu yidhi Wenger.

Henry ayaa isna yidhi, “Daacaddii, waxa ay igula muuqataa wax aan dhicin. Laakiin marka ay timaaddo Arsenal wadnaheyga ayaa ii hadla. Markii aan ogaaday qorshaha ka danbeeya markaas OK ayay ii noqotay. Halkan uma imanayo inaan geesi ka noqdo, waxaan halkan u imid inaan kooxda caawiyo.” Isaga oo raaciyey, “Marouane iyo Gervinho waxa ay aadayaan koobka qaramada Afrika, sidaasi darteed waxa lay weydiistay inaan booskooda buuxiyo. Waa heshiis amaah ah, inta badan-na kursiga keydka ayaan fadhiyi doonaa. Hadiiba aan kursiga keydka soo fadhiisan karo waa caadi. Tababaruhu kooxdiisa waa u diyaar anigana qeyb uun ayaan ka ahay”

Henry ayaa ciyaari kara muddada uu Arsenal la joogo 7 kulan oo Premier League ah oo ay ku jiraan kulamada Manchester United iyo Tottenham, sidoo kale waxa uu ciyaari karaa lugta hore ee wareega 16ka Champions League ee ay Arsenal la ciyaareyso AC Milan.

Somalilandpost Sports

sports@somalilandpost.net