Telefishanka Al Jazeera oo Baahiyey Maanso Suxufi Soomaaliyeed u Tiriyey Shacabka La Gumaadayo ee Gaza (DAAWO)

Doha (SLpost)- Suxufi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa Maanso uu ku cabbiray sida ay u damaqday Xasuuqa Yuhuuddu ku hayso Shacabka Gaza ee Dhulka Falastiin, waxa si toos ah looga sii daayey Telefishanka Al-Jazeera ee Xaruntiisu tahay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Cadbdimaalik MUuse Coldoon oo ka hawl-gala magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer, ayaa maansadiisu soo jiidatay Indhaha Warbaabinta Caalamka, gaar ahaan kuwa ku hadla Luqada Afka Carabiga oo telefishanka Aljazeera ka mid yahay, waxaana todobaadkan si toos ah looga sii daayey telefishanka isaga oo Cabdimaalik tirinaya maansaada uu u hibeeyey Reer Gaza.
HALKAN GUJI SI AAD U DAAWATO VIDEO

SOMALILANDPOST.NET