“Taysaro (Diiwaangelinta Madaniga ah) marka la qabto, ayaa la ina ictiraafayaa, waa waxa Habraha loogu sheekeeyo” – FAYSLA CALI WARAABE

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanjabay cawaaqib-xumo ka dhalan-doonto khiyaamooyin iyo ballamo been ah oo uu sheegay inay xukuumaddu ku maaweelinayso Xisbiyada Mucaaradka ah, ka dib markii maanta uu dhicisoobay kulan ay guddoomiyeyaasha mucaaradku u ballansanaayeen madaxweynaha.

Kulanka baaqday maanta ee madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha mucaaradku u ballansanaayeen, ayaa daba-socday kulan shalay xukuumaddu kaga baxday labada xisbi ee UCID iyo Waddani, kaas oo loogu ballan-sanaa in lagaga wada-hadlo muran iyo khilaaf ka taagan xeerka Diiwaangelinta iyo qaabka xukuumaddu doonayso inay dalka uga hirgeliso.

Guddoomiye Faysal oo markii uu baaqday kulanka ay madaxweynaha la lahaayeen warbaahinta kula hadlay madaxtooyada dhexdeeda, waxa uu tilmaamay inay mucaarad ahaan khaatiyaan ka taagan yihiin ballan-darrada xukuumadda isaga oo sheegay in dulqaadku ka dhammaatay.