Tartankii u horreeyey ee Qur’aanka Kariimka ah ee loo Qabto Jaamacadaha dalka oo Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey

Hargeysa (SLpost)- Tartan Fahamka Qur’aanka Kariimka ah oo ay ka Qayb-galeen  arday ka socotay Jaamacadaha Hargeysa iyo GEESKA, ayaa habeennimadii Jimcaha lagu soo gebo-gabeeyey magaalada Hargeysa, waxaana halkaas abaalmarinno kala duwanoo lacag ku jirto lagu guddoonsiiyey tartamayaashii kaalmaha hore ka galay tartankaas.

Tartankan Qur’aanka Kariimka ah oo muddo labada maalmood ah socday, waxa maalgelintiisa bixisay Hay’adda Caalamiga ah ee Xirfdiga Qur’aanka oo fadhigeedu yahay dalka Sucuudiga, halka ay fulintiisa iyo qabanqaabadiisana ka shaqaysay Jaamacadda Geeska (International Horn University) ee xarunteedu tahay Hargeysa.

TARTANKA (8)Munaasibad loo qabtay guddoonsiinta abaalmarinnada ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka oo lagu qabtay Hotel Summer Time ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo Qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliif Cabdilaahi, Guddoomiyaha Jaamacadda GEESKA Sheekh Almis Yaxye, Madaxa qaybta tacliinta ee Hay’adda Caalamiga ah ee Xiftiga Qur’aanka dalka Sucuudiga Sheekh Muxamed Sanbuul, Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil-Dheer) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland iyo ardaydii ka qayb-gashay tartankaas.

TARTANKA (12)Madaxda Tacliinta Hay’adda Caalamiga ah ee Xiftiga Qur’aanka Kariimka Sheekh Maxamed Sanbuul oo ugu horreyn ka hadlay munaasibaddaas, ayaa iftiimiyey muhiimadda iyo Masuuliyadda kor-qaadista Qawlka Eebbe ku dhex leedahay umadda Muslimiinta ah isaga oo soo qaadday dar-daaran Nebi Muxammed  (NNKHA) ugu jeediyey umadda Muslimiinta ah qiimaha ay qofka Muslimka ugu fadhido Barashada iyo Barista Qur’aanka Kariimka ah.

Waxa kale oo Sheekh maxamed Sanduul faahfaahin ka bixiyey doorka ay hay’addoodu ka geysato waynayn Kitaabka Eebbe iyo ku-dhaqanka Sunnaha uu Nebi Muxumed u jeediyeeyay umadda Muslimiinta ah, isagaoo sheegay inaanay ahayn markii u horeyey ee ay tartan noocan ah qabtaan, marka laga reebo inay tahay markii u horreysay ee ay ka qayb-qaataan tartan Qur’aanka Kariimka ah oo loo qabto Ardayda Jaamacadaha dalka.

Waxa kale oo halkaas hadallo kooban ka jeediyey Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Sh. Ismaaciil-Dheeg) iyo guddoomiyaha Jaamacadda Geeska Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim oo labadoodu ku dheeraaday muhiimadda tartannada noocan oo kale ahi u leeyihiin da’da yar baratay Qur’aanka Kariimka ah.

Sheekh Almis waxa ugu baaqay da’da yar dalka inay ku dedaalaan weynaynta iyo Fahamka Qur’aanka Kariimka ah, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Inta aynu kitaabka Illaahay ku dheganahay oo barashadiisa, akhriskiisa iyo ku camal-falkiisa ku dheganahay ayey badbaadadeenu ku jirtaa, markaa Qur’aanka aynu masaajidada ku hayno ee salaadda ku tukano waa in laga helo oo ay ka muuqato nolol-maalmeedkeenna, iyadoo la fulinayo qawlka Alle, waxaana fiican in qur’aanku ka muuqdo nolosheena iyo shaqooyinkeena, hadday bulshada tahay, baarlamaanka iyo dawladdaba waa in aynu ku dhaqano oo lagu saleeyo hab-dhaqankeena iyo nolosheenaba,” ayuu yidhi Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim.

Waxa kale oo halkaas hadallo kooban ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo ku dheeraad Qiimaha ay umadda Muslimiinta ah u leedahay weynayn Qur’aanka Kariimka ah, sheegay inay Xukuumad ahaan masuuliyad dheeraad ah iska saarayaan kor-qaadista Qawlka Eebbe.

“Qawlka Eebbe oo aynu Cisayno ayaynu Qiimo ku yeelanaynaa. Waxa aynu noqonaynaa ummad uu Eebbe nimco badan u keydiyey,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray, “Xukuumadda maanta jirta ee aanu ka midka nahay, waxa aanu ku dedaalaynaa inaanu Illaahay Kitaabkiisa kor u qaadno.”

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ayaa halkaas abaalmarinnadii ay ku guulaysteen ku guddoonsiiyey tartamayaashii kaalmaha hore galay.

Waxa halkaas abaalmarinno lagu guddoonsiiyey Shantii arday ee Kaalmaha hore ka galay tartankaas oo isugu jiray wiilal iyo hablo, iyada ardaygii ku guulaystay kaalinta koowaad oo ka socday Jaamacadda Hargysa ka lagu abaalmariyey inuu sannadkan socdaal ku tago dalka Sucuudiga si halkaas ugu soo cimbraysto.

Tartankan oo ay ka qayb-galeen Lixdan Arday oo ka socday labada Jaamcadood, ayaa la weydiinayey su’aalo la xidhiidha xiftiga iyo culuumta kala duwan ee ku duugan kitaabka qur’aanka kariimka ee qawlka Ilaahay (SWT), waxaana ardayda loo qaybiyey dhawr kooxood oo min saddex arday ah, oo qaab is-reeb-reeb ah u kala hadhayay, halka ardaydii kaalmaha labaad ilaa shannaad oo hablo u badnaa la guddoonsiiyey abaalmarinno lacag ah.

SOMALILANDPOST.NET