Tartankii Is Reebraabka Ciyaaraha Gobalada Somaliland Oo Maalmo Dib Loo Dhigay

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Axmed Cabdi ayaa ku dhawaaqay in tartankii is reerbreebka gobalada dalku uu mudo toban maalmood ah u baaqday badhasaabada gobalada Togdheer iyo Awdal oo codsaday in maalmo diyaargarow la siiyo.

Waxa uu sidan ka sheegay wasiirku shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Waxaanu dib u dhignay tartankii ciyaaraha ee gobalada Somaliland qaybtiisii hore ee israabraabka ee ku qabsoomayay Boorama Iyo Burco, kadib markii ay naga soo codsadeen masuuliyiinta gobaladaasi iyaga oo u baahday in loogu daro mudo toban casho oo kaliyaata ah, wakhtigii hore aanu u sheegnay tartanka isreebreebku waxa uu ahaa  20-Sep-2015 iyada oo mudada aanu dib u dhignay ay tahay toban casho oo kaliyaata, taertanka qaybtiisii danbe ee ku qabsoomaysay Hargeysa waxba iyada iskamay badalin, waana mudadii uu bilaabmayay oo ah kowda bisha tobanaad ee sanadkan, waxaanuna ka codsanaynaa ganacsatada, qurbajoogta iyo qaybaha bulshada inay ka soo qaybgalaan.”

&nbsp