Tartankii Dhalinyadda Cuslaatay Ee Shirkadda Telesom Maal-galisay oo Soo Gabagoobay

Hargeysa(SLPOST)Tartankii dhalinyaradda cuslaatay oo laba bilood iyo badh ka socday magaalada Hargeysa ayaa galabta lagu soo gabogabeeyey garoonka Dhalinta Kacaan. Tartankan oo ay isku soo hadheen labada kooxood ee Goljano iyo Jigjiga Yar, waxay guushii ku raacday kooxdii Jigjiga Yar.

Telesom

Tartankan oo bilaabay 24 January 2014 soona gabagoobay maanta oo ah 11 April 2014 waxaa ku tartameeyeen dhalinyaradii cuslaatay oo iskugu jiray ciyaartoygii ciyaari jiray Sideetamaadkii, sagaashamaadkii, iyo sanadadii u dambeeyey waxaa ka soo qayb-galay 10 kooxa oo kala ahaa:  1) Telesom, 2) Haboon Construction, 3) Masalaha, 4) Goljano, 5) Xawaadle, 6) New Hargeysa, 7) Beerta Xoriyadda, 8) Stars, 9) Jigjiga Yar, 10) Boorama.

Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan dadweyne kala duwanan oo iskugu jiray dhalinyaro iyo waayeelna ay ka soo qaybgaleen daawashadii waxaa uu maalin kasta oo Khamiis iyo Jimcaha  uu ka dhici jiray garoonka kubadda Cagta ee Dhalinta Kacaanka ee magaalada Hargeysa.

Ciyartan kamadambasyta maanta ay iskaga hor yimaadeen labada kooxood ee Jigjiga Yar iyo Goljano  waxaa labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu sarayso, waxaanay labada kooxoodba isku qaadaayeen weerar iyo weerar-celin joogta ah. Labadda kooxood ayaa midna wax goolal ah la iman labadii qaybood ee ciyaarta, sidoo kalena aan wax kaadh cas iyo mid huruudana aan loo taagin ciyaaryahanadii ciyaaraayey.

Aakhirkii waxa labada kooxood loo dhigay rikoodhayaal waxaana ciyaartii ku dhamaantay 3 iyo 2 ay guushii ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca xaafadda Jigjiga Yar ee magaalada Hargeysa.

Shirkadda Telesom oo ahayd shirkaddii maal-galisay tartankan dhaliyaradda Kubadda Cagta Cuslaatay ayaa gudoonsiiyey koobab iyo biladdo kooxihii ciyaaraayey, shakhsiyaadkii soo abaabulay iyo ciyaaryahankii ugu goolasha quruxda badnaa. Maxamed Cabdi Darbo oo ah madaxa Xidhiidhka Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom ayaa abaal-marinaddii uu gudoonsiiyey ciyaartoyga waxaa ka mid ahaa: Guddidii Soo Abaabusay oo ay ka mid ahaayeen,  Cabdikarin Maxamed Xirsi, Cabdirisaaq Cabdilaahi Cali (Shabeel), Cabdi Muuse, Cabdiqaadir Muxumed Aadan, Ciyaaryahankii ugu goolasha Quruxda Badnaa Idiris Cabdi Aadan, Wariyaha Ciyaaraha Geeska Afrika Samatar Maxamed Cabdilaahi iyo Shirkadda Telesom oo u u gudoomay Maxamed Cabdi Giire.

 

Somalilandpost.net

Somaliland/Hargeysa/Office