Tartankii Ciyaaraha Gobolada Dalka Oo Mar Labaad Dib U Dhacay

 

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka wasaarada ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin ayaa mar labaad ku dhawaaqay inuu tartankii ciyaaraha gobaladu dib u dhacay, waxaanu wasiirku dib u dhaca ku yimi ciyaaraha gobalada dalka mar kale ku sababeeyay badhasaabada gobolada Awdal iyo Togdheer oo tartanadaas marti galin lahaa inay dalka ka maqan yihiin.

IMG_7DD3AD-F79852-9E7CF8-F8787D-3879D1-B9112E

Warar hoose oo  ay helayso shabakada Somalilandpost ayaa sheegaya in dhaqaale daro uu tartanku dib ugu dhacay labadan jeerba, iyada oo wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan ay ka dhago adaygtay dhaqaale loogu talo galay in ciyaaraha lagu dhaqaajiyo.

Wasiirkii hore ee ciyaaraha Cali Siciid Raygal ayaa isaguna sidan oo kale dhawr jeer uu dib ugu dhacay tartankii ciyaaraha gobaladu arimo la xidhiidha amniga iyo diyaar garaw la’aan wasaarada dhexdeeda ahayd.