“Tartanka naga Dhexeeyaa Waxaan Rajaynayaa inaanu na kala Kaxayn Doonin” Samaale

 

Hargaysa(SLpost)-Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin in madaxtooyada Somaliland u diiday kaadhka dhirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo dhawaan warbaahinta gudaha Somaliland baahisay in loo diiday.

Wasiirka oo maanta qaatay kaadhka  shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiya ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga xaakimka Kulmiye.

“Waxaa farxad weyn ii ah inaan maanta xarunta xisbiga imid, anigoo u imid inaan kaadhka qaato. Waxaan u mahadnaqayaa guddoomiyaha, xoghayaha iyo hogaanka xisbiga oo warbixin wanaagsan iga siiyay siday hawshu u socoto. Waxaan ku faraxsanahay inay hawshii dib u bilaamatay iyadoo la wada wado oo la midaysan yahay, horena waan u sheegay kalsoonida aan ku qabo xisbigayga Kulmiye,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Cabdicasiis Samaale wuxuu sidoo kale ka jawaabay wararka saxaafadda qaarkeed ku soo baxay oo ku saabsanaa in Cabdicasiis Samaale golihii dhexe laga saaray.

“Waan arkaa warar saxaafaddu baahisay oo meel ay ka keeneen aan la garanayn, xalay ayaa website-yada qaarkood la galiyay Cabdicasiis Samaale golihii dhexe ayaa laga saaray, Kaadhkii ayaa loo diiday, ma garanayo runtii warkaasi meel uu ka yimid, waxaan isleeyahay waxaa haboon in saxaafaddu qorto waxay hubiyaan,” ayuu yidhi Mr Samaale.

 “ Anigu xisbiga musharax  madaxweyne baan ka ahay inshaa Allah, rag aanu saaxiibo nahay ayuu tartan naga dhexeeyaa, waxaa ka mid ah walaalkay Kijaandhe, walaalkay Muuse Biixi, walaalkay Maxamed Biixi Yoonis iyo inta ku soo korodhaba tartan xalaal ah oo walaalnimo ayuun baa naga dhexeeya. Hawsha xisbigana hogaanka ayaa leh oo aanu uga dambeynaa, dadka isku imanayaana waa golihii dhexe oo liiskooda la hayo aniguna aan ka mid ahay guddida fulinta iyo golaha dhexeba.”ayuu yidhi Cabdicasiis M.Samaale.

Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay in tartan xalaal ah oo xor ah ay ka rajaynayaan inuu dhex maro musharaxiinta madaxnimada u tartamaya iyo kuwa madaxweyne xigeenka u tartamayaba

“Damaca aanu leenahay iyo tartanka naga dhexeeyaa waxaan rajaynayaa inaanu na kala kaxayn doonin ama aanu cadow iskaga kaayo dhigi doonin,” ayuu yidhi Mudane Samaale.

Cabdicasiis Samaale wuxuu ugu dambeyn taageerayaashiisa u sheegay inuu calafkiisa ka qaadi doono tartanka

“ Waxaan u sheegayaa golaha dhexe ee aniga I dhisaya, waxaan u sheegayaa guud ahaan xisbiga Kulmiye, waxaan u sheegayaa taageerayaashayda gudaha iyo dibadaba inaan ahay musharax madaxweyne oo aan calafkayga ka qaadayo tartanka,” ayuu yidhi Samaale.

Maalmihii u dambeeyay ayay saxaafadda qaarkeed tabisay warar ku saabsan in madaxtooyadu diiday in musharax Cabdicasiis Samaale qaato kaadhka lagu galayo shirka golaha dhexe

Somalilandpost, Hargeysa Office