Tartanka Kubadda Kolayga ee UFFO oo Garoonka Timacadde Ka bilaabmay iyo wacdarihii Kooxda Wasarada Waxbarashada

Hargeysa (SLpost)- Tartan loogu magac daray UFFO oo ay ka qayb gali doonaan 6 kooxood oo heerka koobaad ah ayaa maalintii khamiistii ka bilaabmay garoonka kubadda Kolayga ee Timacade.

Tartankan oo xidhiidhka kubada kolayga iyo wasarada ciyaraha ay ka taageereen wasarada waxbarashada iyo tacliinta sare iyo ururka dhalinyarada ee SONYO ayaa waxaa furitaankiisa lagu beegay maalinta xuska dhalinyarada Somaliland ee 20 February.

tartanFuritaankii tartanka ayaa ugu horeyn waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga Maxamuud Xassan Cabdilahi waxaanu faahfaahin ka bixiyay tartankan, isagoo ugu horeyn u mahad celiyay Wasarada Waxbarashada iyo wasiirkeed Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo kaalinta ay ka ciyaartay hirgalinta tartankan.

Gudoomiyaha Dhalinyarada ee SONYO Mubarig Ismaciil Taani oo isna ka hadlay furitaanka munaasibada ayaa hambalyo u diray dhamaan dhalinyarada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, isagoo si qoto dheer uga waramay muhiimada maalintani ay leedahay.

Agaasimaha Guud ee Wasarada Ciyaraha iyo Dhalinyarada Mudane Maxamed Xuseen Dhabeeye oo ugu danbeyntii munaasibada soo xidhay ayaa dhalinyarada kula dardaarmay inay aaminaan wadankooda, isagoo islamar ahaantaana ka waramay taariikhada ay leedahay maalinta 20 ka February oo ah maalintii ay dhalinyarada reer Somaliland bilaabeen inay kacdoon kala hortagaan taliskii Maxamed Siyaad Barre.

tartan3Agaasime Dhabeeye ayaa sidoo kale si wayn ugu mahad naqay Marwo Zamsam Cabdi Aadan oo ku sifeeyay inay kaalin muuqata ku leedahay hormarinta  iyo kor uqaadista ciyaraha dalka.

Ciyaarta furitaanka ayaa waxay dhexmartay kooxaha Ciidanka Qaranka ee Gaashaan iyo Kooxda Wasarada Waxbarashada ee IFTIN.

Ciyartan oo ahayd mid dhibcaheeda aad la isugu dhawaa ayaa waxa gabagabadii ciyarta guushu raacday kooxda IFTIN oo ah kooxda ugu da’ada yar kooxaha kubadda kolayga, waxaana la aasaasay isla sanadkan 2014 awalkiisii. Kooxda IFTIN waxay keensatay 37 dhibcood halka kooxda guunka ah ee Ciidanka qaranka ee Gashan ay ka keensatay 29 dhibcood.

SOMALILANDPOST.NET