Tartanka Fardaha Gobollada Somaliland oo Hargeysa ka furmay iyo Cillado farsamo soo food-saaray

 

Hargeysa (SLpost)- Tartanka Fardaha oo ay ku loolamayaan Lixda Gobol ee Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Hargeysa.

Tartanka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee lagu qabto Somaliland, ayaa si habsami ah ku bilaabmay, iyadoo gobol kasta ay u tartamayeen hal faras oo uu Xakamaha u hayo tartame gobolka uu metelayo ka soo jeeda.

Haseyeeshee, tartanka oo si habsami ah u socda, laguna bilaabay gobollada Togdheer iyo Maroodijeex, waxa wareeggii koowaadba ku hadhay gobolka Togdheer oo Faraskii u tartamayey Dhaawac ku yimi, taasina waxay sababtay inaan wax natiijo ah laga soo saarin tartanka labadaas gobol. Gobollada Awdal iyo Sool, ayaa ku xigay oo tartanka loo bilaabay, haseyeeshee jewiga garoonka tartanka lagu qabtay oo roobbanaa, ayaa sababtay cillad farsamo, iyadoo tartamayaasha laba gobolba ku fashilmeen inay dhammaystaan tartanka, kaddib markii ay labadooduba ka dhaceen fardaha.

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose