Tartanka Doorashadu waa Xor Ee Yaan la Xajiimayn – W/Q: Maxamed-siciid Maxamuud

Kadib markii talada dalka ay qabatay xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa waxa ay ku guulaysatay inay fuliso balan qaadyadeedii doorashada hadba intii taagteeda ah, Waxana aan soo qaadanayaa furistii axsaabta siyaasadda ee ururada iyo in dhalinyarada da’doodu gaadhay 25 jir ay ka qayb gali karaan tartanka doorashooyinka dawladaha hoose ee dalka.

Kadib waxay bilaabeen ciddii danaynaysay inay isu habeeyaan ururo siyaasadeed iyadoo dhalinyaro badanina soo bandhigeen geestooda hankooda musharaxnimo.

Ka sakow is sharaxaadda dhalinyaro badani damacoodii badka soo dhigeen waxa qaarkood caqabado kaga yimaadeen odayaal iyo dad la abaabulay oo ah kuwa magac wadaagta la ah kuwaasi oo ku xidhan rag kale oo musharixiin ah dhinacana saaraaya iyagoo dhinaca kale ama dhalinyarada liddi ku ah kuna tiraabaaya hadalo aan ka xusi karo {wuu iska ciyaarayaa hebel,cidi lama socoto kaa,cidlo ayuu kaasi taaganyahay,hebel ayuu reerku isku raacay,duco ayuu hebal qaatay iwm}.

Waxa lagu jiraa tartan doorasho oo xor ah waana in ciddii la imanaysa dhaqanada noocan ahi ay ka waantoobaan lagana daayo tartanka in la qabyaaladeeyo oo lagu dhex walaaqo wax aan habboonayn, qof walibana waa u xor cidda uu dooranaayo iyo haddii uu is sharaxaayoba sida uu dhigayo qodobka 22aad ee Dastuurku JSL oo faqradda 1aad leedahay “muwaadin kastaa wuxu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed,dhaqaale,bulshoiyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo dastuurka”  halka faqradda 2aad ay leedahay “muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamaayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto”.

Waxa kale oo aan leeyahay ma xuma haddii dad magac wadaag ah (Tol) ay isku afgartaan kuna heshiiyaan musharax ama musharixiin laakiin waxa khalad ah in qof la doono in damiciisa laga riixo ama la isku dayo in laga hor joogsado waxana aan leeyahay ciddii samaynaysa dhaqanada noocaasi ah ka waantooba.

Sida ay sameeyeen musharixiin ka mid ah kuwa tartanka u taaganina waa laga fiicanyahay in raga sidooda damaca leh iyo odayaasha ay isku garaacaan ee waxa uga fiican inay la yimaadaan kalsooni iyo iyo barnaamij lagu dooran karo ama lagu doorto sida qaar badan oo kale oo qayrkood ahiba sameeyeen.

Ma wanaagsana in musharixiin hayb wadaaga laakiin siyaasadda ku kala duwan kana kala tirsan ururada iyo xisbiyada in ciddii ay ka soo jeedeen u kala eexato  waayo meel ayay ka wada taaganyihiin kii codadka lagu soo baxayo hela ayaana guulaysanaaya ee waa in qofku mawqifkiisa xoog lagagama baddalaayo ee cidda uu u xusho una garto uu siiyo codkiisa wixii intaa dhaafsan ee kale iyo buuq in la abuuro-na looma baahna.

Waa in la dhawro akhlaaqiyaadka ololaha doorashada iyo habsami u socodkooda loona hoggaansamo hadalada gudiddaa anshaxa ee komishanka doorashooyinka  qaranka ,gudida wanaag farista iyo xumaan reebista iyo culimada dalka si ololaha doorashadu muddada u hadhay ugu qabsoomo hannaan iyo nidaam suubban.

Cod bixiye ka fiirso codkaaga intaan la gaadhin maalinta cod bixinta hana noqdo codkaagu mid aanad barri ka maalin isku qoomamaynin waana inuu noqdaa mid aad ugu hiiliso xaqa,caddaalada,aqoonta,diinta iyo kartida.

Ugu danbayntii waxaan maqaalkaygan ku soo xidhayaa Abwaan Cabdilaahi Suldaan  Tima-cadde AHN mid ka mid ah gabayadiisii tuducyo ku jiray,waxaanu yidhi:

Nin qalbi la’ quraanka u akhriyay   ♣   qaaf dheh ku haraadye

kutubaa sidii lagu qariray   ♣  qiil aakhiro’e

qayrkii ka hadhe  ♣   waa ninkii qalay walaalkiiye

qod la riday qudhaanjada gashaa   ♣  qoob dad waa u halise

hadduu geed qalalo  ♣  roobku waa u qamac kaliileede

dikhsiga qudhunku umasoo uroo  ♣  waabu quudsadaye

qasaaraha dhexdeenaa   ♣  hadaan la iska qabanaynin

qabaa’il iyo jeeroo la noco  ♣  qaaadkan lagu waashay

qasti jeeroy wada yeelatoy  ♣  qawlka ku heshiiso

qabyo weeyi soomaaliyeey  ♣  qiiradaadaniyee

geeraar waa nin asteeyiyo  ♣   nin ekeeyiyo

nin ijaaso u haystoo  ♣  af soomaaliga daadshoyoon

il duufayn waligiise  ♣   soomaaliyeey idilkaaba

infiraar iyo qayliyo  ♣  anaa kaa afo rooniyo

waa kii aan ka adkaa iyo ♣  assal baanu ahayniyo

oodda reero la saariyo ♣  uboxoon iska layniyo

oori weerku ku raagiyo  ♣  ayro la iska cabaadhiyo

aarba aar ka danbeeyo ♣  intee baad ku jirteenoo

wixiii aad uga ayday  ♣  ma ogaan kari wayday.

Maxamed-siciid Maxamuud Buureed