“Taqsiim Illaa Taxriir…Shirqool Mid Ah!!” – W/Q: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

maxamed ilkacase(Lafa-Gur Ku Saabsan Shirqoolada Reer Galbeedku Ku Xagal Daacinayaan Qunyar Socodka Islaamiga Ah Ee Dalalka Masar Iyo Turkiga)

Tan iyo markii kacdoonka shacabku hogaaminayaa ka Qarxay dalalka carabta ee uu Curtay waxa loo yaqaano Gu’ga Carabtu, waxa isa soo tarayay aragtiyo dadka qaarkood qabaan iyaga oo ku doodaaya in Kacdoonadaasiay yihiin kuwo ay Hurinayaan Yuhuudda iyo Maraykanku halka kuwo kalena ku doodayaan in aanay taasi jirin ee ay kacdoonadaasi ku yimaadeen dhibaato gaaxsanayd in muddo ah oo imika furka goosatay kadib markii cadaadis, caddaalad darro, quudhsi iyo dhibaato lagu hayay shucuubta carabta ku dhawaad qarni. Labada aragtiyood dadka kala aamisanni qolo waliba waxa ay soo daliishanaysaa xujooyin iyo caddaymo badan oo mid kastaa u baahan tahay in si weyn loo dhugto. Aragti saddexaad ayaa iyana odhanaysa in wadanka Iiraan laftiisu saamayn ku leeyahay kacdoonada ka bilaabmay dalalka Carabta gaar ahaan dalalka Baxreyn iyo Suuriya. Haddii aynaan midna ku sii talax tegin oo aynaan kala dooran aragtiyahan waxa aan isla wada garawsanahay in dhammaanba kacdoonada dalalka Bariga dhexe ka taagan ay si weyn uga faa’iidaysanayaan dalalka Maraykanka, Yuhuudda iyo Iiraan oo mid kastaa dano gaar ah ka leeyahay kacdoonada Gu’ga Carabta mid taagan iyo mid dhammaadayba.

Waaqaca Dhabta Ah Ee Turkiga:

Wadanka Turkiga waxa Hogaankiisa haya oo doorasho xor iyo xalaal ah ku yimid Xisbiga Islaamiga ah ee Caddaaladda iyo Horumarka (AK Party) kaasi oo si layaab leh ula macaamilay Mabda’ Cilmaaniyadda ee dalkaasi Biyo dhigtay. Dadka islaamka ah ee dalkaasi Turkiga oo aqlabiyad ahi waxa ay aad u soo dhaweeyeen guusha Xisbigaasi talada dalka ku qabsaday ee uu ku Jabiyay Ataatoorak iyo Mabda’ii Cilmaaniga ahaa waxaana durbadiiba faafay oo guri kasta gaadhay Dacwadda Islaamka, arrintaasi oo aan farax gelin dalalka reer Galbeedka ee maanta Dunida Hogaanka u haya iyo dalka Yuhuudda oo isagu Turkiga il gaar ah ku hayn jiray waligiiba.

Saddex Qodob Ayay Daarran Tahay Walaaca Reer Galbeedka Iyo Yuhuudu Ka Qaadeen Turkiga:

1.  Siyaasadda Turkiga oo noqotay mid u janjeedhsantay dhinaca Maslaxadda Umadda Islaamka ah ee Dalkaasi Turkiga iyo guud ahaan Caalamka Islaamka. Waxaanay taasi soo shaac baxday ADariiqa siyaasadeed uu maray Rajab Dayib Erdogan (Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ee Wakhtigan) kulamo dhawr ah oo uu ka qayb galay oo heer caalami ah tusaale ahaan Kulankii Davos ee dalalka quwadaha addduunka sannadkii 2009. Kulankaasi Erdogan waxa uu si toos ah u weeraray ra’iisal wasaarihii  wadanka Yuhuudda ee Shimon Peres isaga oo ku yidhi: “Waxaad Tihiin Cadaw ubadka yarar ku laynaya deegaanka Gaza” waxa la isku dayay in Erdogan la aamusiiyo intii uu hadalkan waday balse waa uu diiday waxaanu si degdeg ah uga baxay shirkii Davos isaga oo falalka Yuhuuddu wakhtigaasi ka wadday deegaanka Gaza ka xun iyo sida aanay dunida kale waxba uga qabanayn gardarrada Yuhuudda ee garabka og.  Hogaanka Maraykanka iyo Yuhuuddu aadbay ula yaabeen umana ay baran in lahjad noocan oo kale ah uu kula hadli karo Hogaamiye ka soo jeeda dal Islaam ah oo horumarsan dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba.

Muddo afar bilood ah kadib waxa dhacday in dalka Turkigu Jabiyay Cuno Qabatayntii lagu hayay dalka Falastiin Gaar ahaan Gaza waxaanay Doon u direen Gaza balse waxa tallaabadaa is hor taagay ciidanka Yuhuudda oo rasaas ku furay Doontii Turkiga halkaana ku dilay 8 qof oo Turki ah. Waxa halkaasi ka qarxay dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeya Turkiga iyo Israel waxaanu dalka Turkigu dalkiisa ka soo eryay safiirkii Israel u fadhiyay Anakara waxaana la hakiyey heshiiskii Milatari ee labada dal u dhaxeeyey iyo heshiisyo ganacsi oo dhawr ah oo hore labadan dal uga dhaxeeyey.

2. Siyaasadda xukuumadda Islaamiga ah ee Turkiga oo noqotay mid gabi ahaanba ka madhan in ay u darbanaato danihii reer Galbeedka iyo Yuhuudda, waxaanay awoodda saartay Kobcinta iyo dhismaha Muwaadiniinta Turkiga ah iyo guud ahaan dalkooda. Xukuumadda Islaamiga ah ee Erdogan Hogaamiyaa waxa ay si aan hore loo arag u yaraysay shaqo la’aantii dadka Turkiga ah haysatay iyada oo taariikhda markii ugu horraysay dalkaasi gaadhsiisay 8% iyada oo dhinaca kale dalalka Yurub shaqo la’aan baahsani ku dhufatay. Erdogan iyo xukuumadda Turkigu waxa ay ku guulaysatay in ay bixiso dhammaan daymihii sanduuqa lacagta adduunku ku lahaa dalkooda iyaga oo taariikhda markii ugu horraysay dalka Turkiga ka dhigay dal aan lagu lahayn wax deyn ah muddo 52 sanadood ah. Waxa ay xukuumadda Islaamiga ah ee Turkigu yaraysay danihii reer Galbeedku ku qabeen dalkooda oo ay gabi ahaanba meesha ka saartay waxaanay seeska u dhigeen xidhiidh ay la yeeshaan dalalka Carabta iyo guud ahaan Islaamka waxanaay soo celiyeen haybaddii Turkiga ee taariikh ahaan soo jireenka ahayd.

La Soco Qaybo Kale

Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)