“Taqsiim Illaa Taxriir…Shirqool Mid Ah!!” (2) – W/Q: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

maxamed ilkacase3. Erdugan iyo xertiisu waxa ay Turkiga ku soo celiyeen Xayndaabkii Islaamiga ahaa iyaga oo dalkooda ka soo saaray ku dhawaad qarni iyo Dheeraad ay ku sugnaayeen Cilmaaniyad Xag Jir ah, waxa ay ogolaadeen Xijaabkii haweenku isku asturayeen ee mamnuuca ahaa, waxa ay dhiirri geliyeen Barashada Cilmiga Diinta Islaamka, waxa ay yareeyeen oo si tartiib tartiib ah meesha uga saarayaan qaawanaantii iyo goobihii fisqiga iyo Tumashada, waxa ay manuuceen goobihii Khamriga lagu Fuudi Jiray habeenkii iyo Khamaarkii lagu ibtiloobay. Saddexdan qodob ee waaweyni waxa ay kiciyeen dareenkii reer Galbeedka iyo Yuhuudda oo u adkaysan waayay waxa ay indhohodu arkayaan. Waxa ay reer Galbeedka iyo Yuhuuddu bilaabeen in ay Abaabulaan dadkii ay dhiiggooda ku tallaalayd Cilmaaniyadu, Kurdiyiinta Mucaaradka ah iyo dad kooban oo Iiraan dabada ka waddo oo ah Bulshada Nasiiriyiinta si ay uga aarsato Turkiga iyada oo ka xun Mawqifka Erdogan iyo xertiisu ay ka qaateen dhibaatada ka taagan Suuriya. Hawl-galkan saddex geesoodka ahi waxa uu hoosta ka shiday cadhadii kooxahani u qabeen xukuumadda Erdogan ee islaamiga ah waxaanay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay u ridi lahaayeen xukuumadda ka timid xisbiga islaamiga ah ee Caddaaladda iyo Horumarka Ama ugu yaraan in ay cidhiidhi galiyaan oo ay ka mashquuliyaan horumarka ay dalkeeda gaadhsiinayso.

Aronn Stain waa Liberal madax ka ah xarunta yaraynta taranka aadamaha ee Istanbul, isaga oo aad u dhaliilaya Siyaasadda Erdogan waxa uu yidhi: “Shacabka Turkigu ha iska qabtaan Erdogan iyo xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay. Waxa ay doonayaan in ay meesha ka saaraan sharciga yaraynta taranka iyaga oo ku doodaya aragti islaam Ah”. Urur Cilmaani ah oo u ololeeya haweenka oo lagu magacaabo “Dhaqdhaqaaqa Haweenka” ayaa Sannadkii Hore iyo Horaantii sannadkan aynu ku jirno isugu soo baxay magaalooyin dhawr ah iyaga oo soo saaray haween Mudh iyo Gacan Ah Oo Qaawan, kuwaasi oo ku doodaya in xukuumadda Erdogan ay meesha ka saarayso xuquuqdii haweenka ee xorriyadda doorashada Jinsiga, ilmo iska soo tuuridda iyo ka ganacsiga jidhka. Xarakada Haweenku waxa ay ku doodayeen in la rido xukuumadda Islaamiga ah ee Erdogon. Mid ka mid ah haweenkan mudaharaadka dhigayay oo saxaafadda la hadashay waxa ay tidhi: “Waxa ay ku leeyihiin ubad badan dhala, laba kali ah ayaan doonayaa. Waxa ay ku leeyihiin Khamri ha cabina, Sigaar Ha Cabbina, waddooyinka ha marina iyada oo aad saaxiibkaa gacmaha is haysataan, waxaan ahay inantii Kamaal Ataatoorak mana doonayo in aan ra’yigaasi qaato oo aan aqbalo”. In badan oo Cilmaaniyiinta ah ayaa fikirada haweenaydan oo kale qaba.

Akhriste, u fiirso dadka noocan ahi waxa ay iska dhago marinayaan sida dalkoodu Horumarka u sameeyey dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo dhisme ahaan. Cahdiga Erdogan waxa dalkaasi si weyn u kobcay kaabayaasha dhaqaale, dalxiiska iyo nolosha Mujtamaca Turkida waxayse kuwan oo kale ku doodayaan aragti ku kooban in ay raacaan hawadooda Jinsi iyo waxa ay naftoodu doonayso oo kali ah. Waxa ay cabsi ka qabaan in ay meesha ka baxdo doonista naftoodu iyaga oo aan eegin Diin Iyo Dadnimo toona. Fagaaraha Caanka Noqday ee Taqsiim Ee aad Maqashay arrinka dhabta ah ee ka taagani waa kaasi aan soo sheegnay. “Baroortu Orgiga Ka Weyn. Intii isugu soo baxay Fagaaraha Taqsiim waxa ay ahaayeen kuwaasi aan soo sheegnay iyo kuwo la Aragti ah oo xaga dambe ka taagan. Waa Bambo ay reer Galbeedku ku soo dhex tureen Shacabka Turkiga oo ay doonayaan in ay ku qarxiyaan si ay u burburiyaan wanaagga Dhaqan Dhaqaale ee ka hana qaaday Turkiga Cahdiga Xisbiga AK Party.

Waaqaca Dhabta Ah Ee Masar:

Xaalka Masar waa uu ka adag yahay xaqiiqo ahaan kan Turkiga ee aan ka soo sheekaynay. Maxaa yeelay Erdogan waxa uu ku guulaystay hogaamintiisa siyaasad ahaan isaga oo ka faa’iidaystay deganaanshaha mudadii uu xilka hayay dalkaasi oo aanay wax dhibaato ahi ka taagnayn. Waxa uu ku yimid doorasho waxaanu wali ku fadhiyaa hogaaminta dalkiisa isaga oo fulinaya mabaadii’diisa aasaasiga ah ee uu ku galay doorashada. Balse Maxamed Mursi, Hogaamiyihii dhawaan xilka laga tuuray xaalkiisu ma aha sida Erdogan nasiibna uma helin in uu deganaansho ku hogaamiyo dalkiisa. Maxamed Mursi waxa uu ka yimid xisbiga Xorriyadda iyo Caddaaladda oo ah garabka siyaasadeed ee Xarakada Ikhawaanul Muslimiin oo ah Xarakada Islaamiga ah ee adduunka ugu ballaadhan. Maxamed Mursi waxa laga tuuray xilkii kadib markii kooxo is bahaystay oo gacan weyn ka helay ciidamada dalkaasi Masar ay xukunkii ka tureen Maxamed Mursi gacantana u geliyeen kooxihii kacdoonka kala hor yimid mabda’ islaamiga ah ee dalkaasi ku guulaystay.

Taageerayaasha Hogaamiye Mursi waxa ay u arkaan in uu ku guulaystay wax ka qabashada qaybo badan oo ka mid ah wixii loo igmaday in badanna Ikhwaanku ku taamayeen in ay wax ka qaban doonaan haddii ay xilka yimaadeen balse kuwa ku Mucaaridka ah ayaa aaminsan in Mursi ku fashilmay muddo sannad ah oo uu xilka hayay arrinkuna noqday Fashil laga gudbay oo Faashil kale loo gudbay. Kooxaha Cilmaaniyaddu biyo dhigtay ayaa Mursi ku eedaynaya in uu Masar adduunkii ka soo xidhay oo dalal badan cadaawad ka kasbaday.