Taqsiim Illaa Taxriir … Shirqool Mid Ah (Qaybtii 3aad) – Qalinka: Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)

 Goormay Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhaceen?!!

1. Waxa xaqiiqo ah in Mu’aamarad weyni ka dambaysay falkii Maxamed iyo Mursi iyo xisbigiisa Xorriyadda iyo caddaaladda lagu khaarajiyay. Shirqoolkaasi waxa uu ninkan iyo kooxdiisa ku bilaabmay isla markii ay doorashada dalka Masar ku guulaysteen sannad ka hor ee ma aha wax imika si dhib yar isaga dhacay ama isaga yimid. Waxaana la isku waafaqsan yahay in reer Galbeedka iyo Yuhuuddu toos uga shaqeeyeen sidii meesha looga saari lahaa kacdoonka dalka Masar ee ay awoodda badan ku yeesheen Islaamiyiintu. Waxa lagu qaaday Mursi iyo kooxdiisii Ikhwaanka Guluf adag oo loo adeegsaday dhinaca warbaahinta iyo fikirka (Ideology War), waxa la baadhbaadhay oo bannaanka hab cilmiyaysan loo soo dhigay dhammaan boogihii dawladda Maxamed Mursi iyo Ikhwaanka ee hogaamineed iyo siyaasadeed, waxa la buunbuuniyay oo shaaracyada la isla soo taagay wax alla wax kasta oo lagu beer laxawsan karo kooxaha Cilmaaminiinta ah iyo hadhaagii xukuumaddii hore oo aan marnaba ogolayn guul ay gaadhaan Ikhawaanku. Dalal badan oo reer Galbeed ah iyo Yuhuudda ayaa la ogaaday in ay Dhaqaale iyo Loojistikaba ku taageereen Gulufka Islaamiyiinta ka dhanka ah ee Masar. Siyaasad ahaan kooxahani waxa ay qaateen nidaam ah in ay cunaha isaga duubaan dawladdii Maxamed Mursi si ay uga mashquuliyaan wax kasta oo ay qaban karaysay sannadkii ay xilka haysay, waxa kale oo ay kooxahaasi awoodda saareen in ay durbaan u qaataan sidii ay u wacyi gelin lahaayeen aragtida ku dhisan Cilmaaniyada ee ay qabaan in badan oo shucuubta carabta ahi gaar ahaan Masar. Waxa ay shucuubta Masar iyo kuwa Carabta kaleba ugu baaqeen in Siyaasadda iyo Islaamku aanay is qaadan Karin oo diinta iyo siyaasada la kala saaro.

 maxamed ilkacase2. Waxa soo ifbaxay in Hogaamiyayaasha Xarakada Ikhwaanku door weyn ku yeesheen siyaasadda Mursi gaar ahaan fulinta iyo wakhtiyada uu xilal magacaabayo sida badhasaabada gobolada iyo xilalka sare ee dalka taasina waxa ay dabka ku shiday cadhadii Cilmaaniyiinta waxa kale oo ay sahay uga dhigteen in ay bulshada u tusaan in kooxo gaar ahi taladii dalka qabsadeen.

3. Waxa toos u muuqatay in Cilmaaniyiintu caddaysteen cadaawadda ay u hayaan Islaamiyiinta iyo xukun islaam oo meesha yimaad. Waxa ay dacaayado ku fureen shacaa’irta lagu yaqaan dadka islaamka ah sida Gadhka raga, Xijaabka haweenka iyo guud ahaan wax kasta oo muujinaya Madaahirta islaamka.

4. Kuwii aaminsanaa Dimuquraadiyaddu, ha noqdeen Libaraalka iyo cid kasta oo u janjeedhay aragtiyaha reer galbeedku waxa ay ku wacad fureen Dimuquraadiyaddii ay aaminsanaayeen oo ah ta uu ku yimid Maxamed Mursi oo cod shacab kursiga ku fuulay waxaanay sharciyaddaasi u rogeen sharci darro in lagu muquuniyo.

Haddii aynu isku xidhno Inqilaabka Masar iyo Kacdoonka ka taagan Turkiga ee ka bilaabmay Fagaaraha Taqsiim waxa kuu soo baxaya in hogaamiyayaasha Maxamed Mursi iyo Dayib Erdogan ay ka siman yihiin dhawr arrimood kuwona ku kala duwan yihiin. Waxa ay ka siman yihiin in aan laga jeclayn dalalka reer Galbeedka iyo Yuhuudda, xataa dalal badan oo Carbeed iyo kuwo Caalami ahba. Waxa ay ka siman yihiin in quluubta Shucuubta Islaamka intooda badani la jirto oo taagersan yihiin. Maadaama ay labadan nin hogaanka u qabteen dalal Ummad ahaan Tiro badan, Aqoon ahaan tiro badan, Ciidamo dhisanna leh, taasi oo keeni karta in ay abuuraan in ay siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka hoos baxaan reer Galbeedka oo ay u xuub siibtaan dalal Dimuquraadi islaam qunyar socod ah ku dhisan oo saamayn weyn ku yeelan karta dalalka Carbeed ee habka qoysnimo xukumada u kala dhaxla iyo waliba dalalka soo lacaya ee Islaamka ah.

Aragtida Yuhuudda Ee Arrimahan:

Tzipi Livni (Wasiirka Caddaaladda Yuhuudda): Haweenaydan oo ka mid ah siyaasiyiinta magaca ku leh dalkeeda ayaa dhawaan iyada oo ka hadlaysa Xarunta Daraasaadka Amniga Qaranka Israel waxa ay tidhi: “Hogaamiye kasta ama dal kasta oo ka mid ah dalalka ku yaalla mandaqadda waxa la gudboon in ay qaadaan laba jid mid uun. Jidka Argagixisada iyo xag-jirnimada iyo in ay qaadaan jid kale oo ah ka dhexdhexaadnimada iyo ilbaxnimada siyaasadeed ee cahdigan oo ah ka aanu ku shaqayno. Haddii dal ama hogaamiye maro jidka aan ahayn ka aanu marno waxa nagu waajib ah in aanu dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba la dagaalano iyada oo ujeedda Maxamed Mursi iyo Erdogan maadaama ay horeba ugu eedaysay in ay labadan nin taageersan yihiin ururka reer Falastiin ee Xamaas.

Dhammaaad