Tanna ma u soo joogay?!

Muddo ku dhow soddon cisho ayaannu dharaar iyo habeen sugaynaa iyada, subax kasta marka aannu indhaha kala qaadno waxa aan u tagnaa iyaga si aan u waydiinno in aan maanta bixi karno iyo in kale. Illayn berri iyo beeni ma dhammaato, jawaabtooduna ma dhaafto “berri baad ku qoran tihiin, waa la idinka horreeyaa, dooni cusub ayaa la samaynayaa ee dulqaata.”

Meeshu waa Liibiya, magaaladuna waa magaalo ay buux dhaafiyeen dhallinyar u xadhko-xidhan bixitaan, ka soo haajiray waddankoodii, qurbe aanay waxba ka ogayn u jeeda. Xaaladdoodu waa mid nolol iyo geeri u dhaxaysa, muuqaalkoodu wuu is badalay, hilibkoodii wuu tagay, maqaar iyo lafo is huwan ayay noqdeen. Oo maxaan kula yaabi ee aan ka faallayn sow anba iyaga kama mid ihi!

Ma iloobo oo qalbigayga way ku suntan tahay dharaartii aan Hargeysa caddey oo aanan waligeed ku dhex qadin maca salaameeyay aniga iyo saaxiibkay dhallaanimo oo aan anigu soo afduubay. Hooyaday u maan sheegin bixitaankayga sidaa darteed markii ay maqashay baqoolkayga naxdin darteed ayay dhiman gaadhay maalintii aan la hadlayna  oohin cod aan ahayn telfoonkii aan dhegta ku hayay ii ma soo tabin.

Waxay maalinba maalin noo dhiibtaba maanta waa noo toddobaatan iyo kow inta aannu waaga iyo doonta wada sugaynay. Saaka hiimse-hiimse markii uu dhulku ahaa waa ka isagii oo aad mooddo tuug dhabbaraya xabbad-xabbad noo kiciyay kadib na hor dhaqaaqay. Sidii geel hoggaanka loo hayo oo la carraabinayo waanagan annagoo dheellalawsan daba soconna.

Waxaannu daba luudnaba wuxuu na keenay badda xeelligeeda oo doonni aad daasad mooddo afar nin oo ulo dhaadheer sitaana dhakada kaga joogaan noo tilmaamay in aan ku boodno. Doonnidii ku boodnay baddiina waajahnay. Toddoba dharaarood ayaanu badda iyo madawgeeda is hurranayn. Gaajada, diifta, hurdo la’aanta iyo daranyada dhabta ah ayaannu dhadhaminnay. Maanta waxa aan jiifa dhaqtar ku yaal taliyaaniga, waxa la iga dhayaa boogihii, dhaawacyadii iyo nabarradii iga soo gaadhay daalkii, diihaalkii iyo bayhoofkii dhalandhoolka (tahriibka).

Se waxa jira boogo iyo nabaro aan la iga dhayi karayn ina bogsanayn abid, waa boogahii iyo dhaawacyadii iga soo gaadhay qalbiga. Wixii aan u soo taagnaa ee indhahaygu i tuseen qalbiga ayay igaga suntan yihiin oo dageen meel aan laga tirtiri karin. Maxaa wiil geesi ahaa hortayda sidii eyga inta uu u bakhtiyay aannu ka tallaabsannay. Maxaa inan qurxoonayd hortayda lagu faroxumeeyay hilbaheedana lagu qashay. Maxaa hooyo xanuunsan anigoo arkaya laga daadufeeyay doonnida oo badda badheedh loogu tuuray. Maxaa nin gadh leh oo sharaf lahaa ul dabada lagala dhacay, maxaa…………..maxaaaaaaaaa………………………

Way oo way adduunyooy, miyaan u soo joogay nolol geeridu ka qiimo badan tahay?!!

Muna Axmed Cumar

Muna Axmed Cumar

Hargeisa, Somaliland

Sheeko Wadareed Bahda Hiilqalin/ Tahriib