“Tani waa ollole laakiin waa ololihii diiwaangalinta…” Muuse Biixi Oo Eedayaha Mucaaradka Iska Difaacay

Burco (SLpost)-Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa iska difaacay eedaymaha ay u jeedinayaan labada xisbi mucaarad, xisbiyada mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay Muuse inuu galay ollole xili aan wali la banayan.

Waxaana guddoomiye Muuse oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Waxa la bilaabayay hawshii ugu waynayd oo ah in diiwaangalintii qaranka la galaayay waajibkuna waxa uu ahaa inay sadexda xisbi si mugleh uga soo qaybgalaan, anagu waxaanu u nimi oo aanu uga soo qaybgalnay sidii loo dhiiri galinlahaa diiwaangalinta oo komishankana aanu intii awoodayadaa ka caawino oo aanu wacyi galino taageerayaashayada iyo muwaadiniinta oo dhan oo aanu nidhaahno ka qaybgala, tani waa ollole laakiin waa ololihii diiwaangalinta.”