Talyaaniga Oo Badbaadiyay Tiradii Ugu Badnayd OoTahriibeyaal Ah

Lampedusa, (SLP)- Ciidamada Ilaalada Xeebaha badda Talyaaniga ayaa sheegay inay korodhay tirada dadka sharci la’aanta ah ee Talyaaniga ka soo galaya badda Mediterranean-ka.

Maraakiibta Talyaaniga ayaa badbaadiyay in ka badan shan kun iyo shan boqol oo qof saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay. Axaddii, labaatan iyo laba doon ayaa la badbaadiyay. Hal doon oo siday in ka badan boqol iyo konton qof ayaa ku gadoontay meel u jirta boqol iyo labaatan kilometer xeebta Libya.

Maydka sagaal tahriibeyaal ayaa la helay, in ka badan boqol iyo afartan ayaa la badbaadiyay. Dad badan ayaa isku dayaya inay badda ka soo galaan, iyadoo baddu ay degan tahay hadda.

 

Somalilandpost

Wararka CaalamkaTalyaaniga