TALOW YAA GUUR LA.AANTA KA MASUUL AH?

caqabaha guurka waa ay badanyihiin laakiin waxaan ku soo gaabsaneynaa kuwooda uugu muhiimsan ee laxiriira qadiyadaha muhiimka ah ee kala duwa anaoo ka fiirineyna majaalo badan iyo dhinacyo badan , caqabadaha guurka waxaa uugu muhiimssan oo ka middaa:- 1- Awood-darri dhaqaale:- Dhaqaale xumadu waa aafada ugu weyn ee ka hortaagan rag badan inay guri xalaal ah degaan, gaar ahaan sicir bararka iyo awooda iibsasho yaraanta xilligaan jirta darteed, sidoo awood daridu waa caqabad jirtey waligeedba iyadoo qorka ku khasbeysa islamarkaana ku cadaadineysa inuu ka caajiso ama iska daayo ama ka niyad jabo guurka.

2- Mas’uuliyadda qoyska ood qaadi weydo:- Rag badan baan xamili karin gudashada xaqa ay

dumarkoodu ku leeyihiin, iyaga oo ugu sabri waaya dabeecad xumadooda, uguna dulqaadan waaya dibindaabyaday la yimaadaan. Rasuulka suubban (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu leeyahay: (Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda). Waxaa la weriyey in ninka ka cararaa ciyaalkiisu uu lamid yahay nin Eebbe ka cararay, lagamana aqbalo Salaad iyo Soon toona. Eebbe waxa uu Aayaddiisa ku leeyahay: (Ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagxaan). Sidaas buuna inoogu amrayaa in aan xaaska uga ilaalinno Naar isla sida aan nafteenna uga ilaalinayno, waxaadna halkaasi ka garan kartaa in ninku kolkuu guursado ay labanlaabmayso mas’uuliyaddii saarrayd, ayna xakamayn ka rabaan laba nafood, kiiyoo awalba kari la’aa hal naf xakamaynteed. Waana taasi ta kalliftay rag badan oo saalixiin ahi inaanay guursan, iyaga oo kabiqi jiray Aayadda oranaysa: (Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale), Micnaha Aayaddu waxa weeye: (Haweenkiinnu masruuf bay idinku leeyihiin, marashay idinku leeyihiin, meel ay degaanna way idinku leeyihiin, iyo weliba inaad ugu raaxaysaan sida aad jeceshihiin inay idiinku raaxeeyaan).

YAA MASUUL KA AH GUUR LA,AANTA

Dumarka wakhtigoodu waa ka kooban yahay , gabadhu waxay ku qurux badan tahay inay noqoto marwo guri ay leedahay ka soo jeedda kuna asturnaato nin akhyaara oo dhiqi kara iyada iyo ubadkeedana noloshooda ku filnaan kara.

Hadaba dhan kale haddaan iska taago qoraalka, anigu waxaan arkaa inay qaybta ugu badan dumarku sabab u yihiin (guur la’aanta). Kadib markay wiilashii arkeen culayska uu leeyhay reer cusub agabkiisa, kharashka ku baxaya, shaqo xumada waddanka taalla, duruufta adag ee dadka iyo dalkuba marayaan, dhan walba markay  ka joogsadeen noloshii ku hareeraysanayd, waxay u qayb sameen saddex qaybood oo kala ah:

1-  Mid waxa u soo baxday inuu buuqa aduunyada isku illowsiiyo (waa sida ay nalo noqotaye) qaad iyo balwad. Balwada oo ku furta fikir kale iyo waxyaabo aanu gaadhi karin. Marqaanka oo uu ku dhameeyo arimo badan kadibna ay ka kala daadato marka uu ka kaco.

2-  Midkale waxa usoo baxday inuu badda isku halaago taas oo sababtay in uu  u dhexeeyo geeri ama nolol. La kulmo  jeel iyo rafaad si uu himiladiisa hore u gaadh islahaa.

3-  Midka ugu dambeeya waana tiro aad iyo aad uyare,e;  mid waddanka aaminay oo aqoon iyo aduunba in uu  qayrkii  la jaan qaado isku dayay. Wax ilaahay la kulmiyaba la tacaalla duruufta ku hareeraysan.

1-  In ay iska daayaan gabadhaha S/LAND shuruudda la caadaystay in lagu xidho INAMDA S/LAND ee akhyaarka ah sida lacag aanu awoodin, iyo meher xad dhaaf ah taasi oo dumarka wadanka jooga  dalbadaan. Waana wax dib uga joojiya intii akhyaarta ahayd ee ku dhiirran lahayd guur.

– Hotel Hebel hala iigu tumo.

– Fadhiga noocaasa ha la iidhigo.

– Intaasoo baabuur ha igu galbiyo.

– Fannaaniinta wadanka halla iidalbo.

Waxa ila haboon in ay hablaha  s/land ka fakarto sidii ay uga faa’iidaysan lahayd wakhtigeeda yar ee kooban, sidii ay u heli lahayd nin akhyaara ah, aduun waa la helaa laakiin sidii nin akhyaar ah loo helaa waa adag tahay. Iskana dayso shuruudaha la soo sheegay oo ay qiimayso ninka wanaagsan hadii rabbi la kulmiyo.

2-  Waxa hablaha s/landwaxa hor yaalla inay garowsadaan oo ay ogolaadaan xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan xikmadda ilaahay ujideeyay in ninku 4 dumara guursado hadda ayayna taagan tahay markaan ka eegno dhinacyadan.

A-  Gabdhihii oo isku soo gaadhay sadex jiil ama generations iyo ka badan.

B-  Wiilashii oo ay yaraatay intii xil guur qaadi kari lahayd.

C-  Tiradii dumarka oo marwalba kabadan tii raga, siina kordhaysa.

D-  Noloshii oo sii cakir maysa marba marka kadambaysa.

Hadaba waa in ay gabadha soomaaliyeed ee wiika akhyaarta ah kaligeed hoosta ku haysataa, unada gabadha walasheed oo ay fursad siisaa ama u ogolaataa ninkeeda in uu mid walaasheeda oo mudan in marwo ay u u noqoto, ubadna  hamuum u qabta, kudhiiri galisaa inuu heblaayo la guursado.

baalmaray xaquuqdii dumarka ee dhabta ahayd, una tusay dumarku inay difaac ka galaan sidii ragga la iskaga caabbin lahaa ooo kaliya, taasina ay dhaxalsiisay gabdho badan inay ku waayeen hooyonimo iyo marwonimo inay nasiib u yeeshaan

Axmed Xuseen