TALOOYIN-SHARCI Baaq ah Qabasho Shir Deg-dega oo ah Madaxda-Dhaqanka Qabiilka Ciise Muuse Ka Hor Shirka DUBUREED ee 29/09/2011.

Garyaqaan Salidhige

Qoraalkani oo ah laba Qaybood, Qaybta hore waa Hordhac ku saabsan CAMBAARAYN ku socota

Labada M/weyne ee SIILAANYO iyo RAYAALE ee Sifada Sharci darada ah ku bixiyey WARSHADDA SIBIDHKA ee BERBERA, ee maamul-xumadoodu sababtay isku dhaca ganacsatada Ciise Muuse iyo Kuwo Habar-Jeclo, iyo Cambaarayn Shirkadda DAHAB ShiilGanacsatada kala duwan ee kala safan ee Sababay Khilaafka Madaxda Dhaqanka ee Ciise Muuse

Qaybta Dambena waa Talooyin Sharci iyo Soo Jeedimo ku Saabsan Shirka Dubureed ee qabashadiisa loo Mudeeyey 29/09/2011.

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan siciid (Salli-Dhige), ahna Muwaadin JSL, kana soo jeeda Qabiilka Ciise Muuse ee Deegaanka Gobolka Saaxil. Ayaa Anigoo ku farxay baaqii hore ee ay Todobada Suldaan, Chief Caaqilka iyo 12-ka Oday ay ku iclaamiyeen in 29-ka September 2011 magaalada DUBUR ee degmada Sheekh ay ku qaban doonaan Shirbeeleed ay ku magacaabeen DAN iyoDUCO”. Isla markaana anigooaad uga xun oo Cambaaraynaya in Madax dhaqameedka Beeshu ay Qoraalo ah Baaqyois-Burinaya ay warbaahinta isu maiyaan, iyagoo ah sida ka muuqatay qoraaladooda ay kusoo qoreen Saxaafadda kuwo ku kala aragti duwan oo keliya Arin ku saabsan Mawduuca Qorshaha (Agenda) Shirka ee Qabiil Ciise Muuse uu ka shiri doono. Sidoo kalena aan aad uga xumahay in Xukuumaddu ahaato mid ku mashquulsan carqladaynta Shirka iyo madaxda Xukuumadda ee ka soo jeeda Qabiilka Ciise Muuse ay ahaadaan kuwo loo adeegsado burburinta Shirka qabiilkooda iyo in qaar ka tirsan xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera ay iyana ku hawlan yihiin arintaas foosha xun. Sababta aan ugu farxay qabashada Shirkaasina waxay tahay baahi weyn oo anigu aan u qabo in aan helo Qabiilkayga oo midaysan oo karamkooda, ka dalkooda iyo xuquuqaha dadkooda ilaashan kara oo si siman ugudan kara Waajibadkiisa. Waayo, anigu waxaan ahaa muwaadin 12- sanadood Dacwoonayey oo dhib i haysatay darteed keligii MUDAAHARAADAYEYlaamiyada magaalooyinka, isla markaana xuquuqdiisa u maray dariiqa Shaeciga ah oo hortaagnaan jiray Maxkamadaha hayey kiiskayga cidda i carqaladaynaysayna ay ahayeen Madaxdweynayaashayda 1) marxuum Cigaal2) Daahir Rayaale; iyo 3) M/weyneSIILAANYAHAN isna Shirkaddii TOTAL ayuu dalka ka saaray isaga oo og inaan Shirkadaas Xuquuq aan ku leeyahay, waana Gasho iyo Qaan uu M/weynuhu u soo jiiday oo Dawladda Somaliland laga rabo inay Gashi-bax ay la timaado. Mudadaas may dhicin oo garashadoodu may siinin in Madax dhaqameedka kala duwan ee Beesha Ciise Muuse ay ka hadlaan arinkayga oo ay qabsadaan ama cambaareeyaan M/weyneyaashaas ku xadudbay xuquuqda qofkooda ah Muwaadinka JSL ee dacwadiisa u maray dariiqa Sharciga ah ee Maxkamadeed. Waxase xaqiiqo ah in haddii cuqaashayda ama Salaadiintayda aan ka dalbi lahaa inay ka hadlaan arinkayga, ay dhici lahayd in Xukuumadu ay dhq-dhaqaajiso qaar kale oo iyagu (madax-dhaqameedkaygaas) kamid ah, oo ay kasoo horjeesan lahaayeen warbaahintana ay ka Cambaarayn lahaayeen kuwoodii hore ee ka hadlay arinkayga. Sidaasna qof kasta waxa waajib ku ah inuu dhankiisa ka ilaaliyo Sharafta Madaxda iyo dadka kale xuquuqdooda. Hiilkuna Waa Shay-Dammiireed, oo ku xidhan garashada iyo xooganaanta nolosha Dammiireed ee dadka laga rabo hiilka. Qofku wuxuu ku waayo Muwaadinimo iyo Sharciga Dalkiisa, kuma heli karo dariiqo kale oo khaldan.  Hawlaha-Shaqo(Functions) Ee Qabiilku waxay tahay oo ugu muhiimsan saddexdan arimood ee kala ah sidan:-

1) Qof Qatan Quudintii;

2) Qof Quman Quwayntii; iyo

3) Qof Qaldan Qabashadii.

Qormadaydani ma aha mid aan ku daalibaayo in Madax-dhaqameedka Ciise Muuse ay Shirkoodan DUBUREED kaga hadlaan arinkayga iyo arin kale oo Shakhsiyaad cabanayatoona. Waayo Qabiilkaygu ma aha manta mid u qaabaysan inuu Qofkiisa ilaashado, Madax dhaqameedkayguna ma aha kuwo midaysan, oo waa kuwo u DHIBAATAYSAN DAWLAD-XUMO (Victims of Bad Government) oo TAFARAARUQSAN, isla markaana ay sii kala qayb-qaybiyeen Xisbiyo Xumi (Bad Political Parties), oo ku shaqeeya Aaminsana Siyaasadii Guumaysiga ee ahayd DADKA KALA QAYBI OO XUKUN (Devide And Rule), kuwaasi oo xiligii olaleyaashadoorasho si xun uga dalbay taageero, oo Odayba ka hor geeyey Oday kale oo naqdiya.

SU’AALAHA SHARCI EE SALKA U AH MAWDUUCAN

Waxan qormooyikayga soo socda aan kaga hadli doonaa mawduucyo badan oo la xidhiidha arinka Qabaa’ilka + Dawladnimada + Xisbiyada + Ururada Bulsho + Sharciga + Siyaasada iyo madaxda kala duwan ee maamula Hayaakilkaas.

Haddaba si looga hadlo su’aasha ah Shirarka Qabiilku ma Sarcibaa? Ayaa Jawaabtaas waxay tahay mid ku xidhan oo kazoo dhex baxaysa sida Su’aalaha kala ah

(1) Waa maxay Sifada Sharci (Legal Status) ee Qabaa’ilka dalku? Ama (2) Qabaa’ilka JSL ma yihiin Dad Qaanuuneed (Legal Persons) oo Shuruucda dalkani aqoonsan tahay? ama (3)Qabaa’ilkeenu Ma leeyihiin Jiritaan sharci (Legal entity) ama Shakhsiyad Qaanuuneed (Legal Personality)? ama (4) Waa Maxay Ujeedooyinka(Objetives), Hawlaha-shaqo(Functions), Qaab-dhismeedka(Structures) ee Qabaa’ilka JSL? iwm.

 

CAMBAARAYN

Waxaan Cambaarayn iyoCanaanmuwaadinimo aan usoo jeedinayaa Madaxda Dawladda iyo Ganacsatadan soo socota kuwaasi oo ka dambeeya sababta six un u dhaq-dhaqaajinta iyo isku dhaca Madaxda dhaqanka ee Qabiilka Ciise Muuse, kuwaas oo kala ah;

(1) Ex-Madaxweyne mudane Daahir Rayaale ee qoray qoraal Sharci daro ah oo uu Mulkiyadii WARSHADDA SIBIDHKA Ee BERBERA uu ku siiyey Ganacsato u dhalatay kana soo jeeda Qabiilka Ciise Muuse, iyo sidoo kalen waxa Cambaaraynayaa oo Canaan mudan;(2) Madaxweyne mudane SIILAANYAHAN isna markii xilka madaxtinimo ee dalka uu qabtay isaga oo og in qaar hore Warshadaas la siiyey, uu isna qoray Qoraal kale oo Sharci daro ah oo Mulkiyadii WARSHADA SIBIDHKA Ee BERBERA uu ku siiyey Shirkadda DAHAB-SHIIL iyo Ganacsato kale oo Qabiilka Ciise Muus ah iyo shirkadda TELESOM.

Talaabooyinkaas Madaxweyneyaasha oo ahaa Maamul-Xumooyin(Maladministrations) Argagixiso ah oo sababay Caddaalad-daro (Injustice). Madxweyneyaashaasoo oo sidiiyoo ay maamulayaan Hanti ama Dukaamo Shakhsi ahaan ay u leeyihiin ay M/weyneyaashaasi qoreen Qoraalo isburinaya oo xaaraan ah oo aan Sharciga waafaqsanayn ay Hantidii Guud (Public Property) iyo Khayraadkii Wadankaba(National Resources) ee Dadka dalkani wada lahaayeen sifo sharci daro ay ku bixinayaan. Kuwani waa Ganacsato Muwaadiniin ah oo dalka ku Xuquuqo Horumarineed (Right to Development) oo u baahan in la hago oo loo tilmaamo in ay ka dhawrsanaadaan inaanay Jeebkoodkooda six u adeegsan, madaxda dalkana aanay ku fasaqin. Mawduucana iyo Sharciu wuxuu ka qabona si faahfaahsan ayaan uga hadli doonaa haddii alle idmo.

Soo Jeedin QABASHO SHIR DEG-DEG ah oo Ka Horeeya Shirka DUBUREED

Waxaan ugu Baaqayaa dhamman Madaxdhaqameedyada kala duwan ee Qabiilka Ciise Muuse inay isugu yimaadaan Shir Deg-dega ah oo ka horeeya Shirka DUBUREED ee mudaysan 29/09/2011, isla markaana si looga hor tago Khilaaf cusub oo kale oo Shirka Dubureed gudihiisa ku dhex mara Madax dhaqameedka oo ay qaadaan talaabooyinkan:-

(1) In Shirkaas hordhaca ah ay Madax dhaqameedyadu ku xaliyaan khilaafaadkooda iyo in ay ku diyaariyaan qorshe (Agenda) ay ku midaysan yihiin oo lagaga hadlo Shirkaas;(2) In Shirkaas hordhaca ah ay Madax-dhaqameedyadu kaga hadlaan CIDDA MAGACA BEESHA KU HADLI KARTA xeerna laga dhigto; (3) In Shirkaas hordhaca ah ay isla qorsheeyaan sida DERAJO ahaan ay u kala sareeyaan iyo sida Masuuliyadda Reerka ay u kala leeyihiin; (4) In Shirkaas hordhaca ah ay kaga wada hadlaan waxa ay ka yeelayaan Xisbiyadan (Mucaaridka ah iyo kuwan Muxaafidka ah) ee iyagu ay kala taageersan yihiin ee ka dhex guuxaya dareenkooda; (5) In Shirkaas hordhaca ah ay kaga tashadaan sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen dareenada khaldan ee dadka ka soo jeeda Qabiilka Ciise Muuse ee ay ku qalooctay Xisbinimadu ee danta Qabiilka ku ilaawi kara Ficil xumada Xisbinimo;

Soo jeedin Qodobada Qorshaha (Agenda) Shirka DUBUREED

Waxaan madax dhaqameedka Sharafta mudan ee Qabiilka Ciise Muuse aan halkan ugu soo jeedinayaa QODOBO ay isku waafiqi karaan oo ku saabsan Qorshe (Agenda) ku haboon oo Shirka DUBUREED ee Muddaysan 29/09/2011 ay kaga wada hadli karaa, kuwaas oo ah kuwo ay ku jirto Danta iyo midnimaa Qabiilka iyo Danta Ummadda Somalilandba, waana sidan:-

(1) In Shirkaas Dubureed lagaga wada hadlo wixii Reerku ay ka yeeli lahaayeen Dadka ka soo jeeda (udhashay) Qabiilka Ciise Muuse ee ah shaqaalaha Dawladda ee ahKaraniyiinta (sida Khasnajiyada, Agaasimeyaasha, Baratakoolka, Wasiirada, Xildhibaanada iwm) ee ummadda u haya shaqo guud, laguna Aaminay Hawl Adeeg Guud oo ka wada dhexaysa dhamaan Qabaa’ilka Somaliland kuwaasoo Dhibaato ku haya Sumcadda, Karaamada, Midnimada iyo jiritaanka Qofnimo/Ummadnimo ee Qabiilka dhibaatooyinkaas oo ay ka mid yihiin sida:- (a) Mar intay Lunsadaan Hantida iyo Maalka Guud ee Ummaddan ay dabada soo gelinayaan Qabiilka si ay u meelmarsadaan Dulmigaas iyo Xad-gudubka dhaca Maalka ummaddan Baylahsan ee Somaliland wax loogu qaban lahaa, kuwaas oo Qabiilka ka dhigtay GABOOD-XADGUDUB(b) Marna waxay yihiin kuwo Dawladdu ay u adeegsato BURBURINTA iyo KALA QAYBINTA Qabiilka, iyagoo badankooda inta lacagta ummadda loo soo dhiibo la yidhaahdo ku kala furfura si qabiilku aanay u shirin iwm;

(2) In Shirkaas Dubureed lagaga wada hadlo wixii Reerku ay ka yeeli lahaayeen Arinka DHAQAALAHA Madax-Dhaqameedkooda, oo Qabiilku ahaado mid hanan kara Mushaharka iyo Daryeelka Dhaqaale ee Madax Dhaqameedkiisa. Waayo waxaynu kawada warhaynaa Xaaladda ay ku sugan yihiin  iyo Duruufaha adag ee ku xeeran. Sidaas li-ajligeedna waa in Shirkani uu ahaadaa mid lagu hagaajinayo xaaladda Dhaqaale, ixtiraam iyo Dhawrsanaaneed ee Madax dhaqameedka Qabiilka, fadhiga Shirkaasna loogu Qorsheeyaa Sanduuq Dhaqaale oo lagu daboolo arinkaas. Isla Shirkaasna waa in qabiilku go’aan ka soo saaraa lagu Joojinayo Dhaqaalaha Wasaaradda Arimaha Guduhu Siiso Cuqaasha, Salaadiinta iyo Madaxd dhaqameeda kale ee ka soo jeeda Qabiilka Ciise Muuse, si looga badbaadoGuumaysiga Dhaqaale ee Dawladdu ay ka dhaxayshay Guumaysteyaashii iyo Maamuladii Dawladihii xumaa ee hore, kuwaasi oo si xun uga faa’daysata duruufaha dhaqaale xumo ee ku xeeran Madax-dhaqameedka;

(3) In Shirkaas Dubureed lagaga wada hadlo in Madax dhaqameedka Beesha laga joojiyo in ay soo saaraan BAAQYO TAAGEERO oo  ay ku taageerayaan Musharixiinta ama Xisbi Hebel iyo in Go’aano ah in Qabiilku uu Taageeradiisa siinayo Hebel ama Xisbi-Hebel, maadaama Qabiilku yahay mid dadkiisu ku kala aragtiyo duwan yahay, kuna kala jiraan Xisbiyada/Ururada tartamaya ee kala;

(4) Shirkaas Dubureed uu ahaado mid Qabaa’ilka kala Duwan eeSomaliland u horseeda dariiq wanaagsan  oo qabaa’ilka kale ay kaga daydaan si waafaqsan xadiiska soo socda. Laakiin Shirkaasu aanu noqon mid ummadda u horseeda tafaraaruq iyo Khilaafaad;

(5) In Shirkaas Qabiil ee Ciise Muuse lagu Go’aansado in la qabto Shirweyne-Deegaan oo dadka iyo Qabaa’ilka wada dega Deegaanka Gobolka Saaxil ay kaga wada hadli doonaan arimo lagu hagaajinayo xaaladda ba’an ee liidata ee dadka iyo deegaanka Saaxil ay ku sugan yihiin, isla markaana lagaga hortagayo DULMIGA iyadoo arimaha iyo Qodobada ugu muhiimsan ee aan soo jeedinayo ah yihiin sidan:-

(a) In la Go’aansado maadaamaa aynu deganahay Deegaan Xeeb ah oo ay ku taaloDEKADI oo ah “Marin” ah in Deegaanka dhexdiisa aan cidna lagu Dulmiyin; iyo

(b) In la Ururiyo Lacag dhan $ 200,000 USD (Laba Boqol oo kun oo Doolar) oo lagu daahirinayo deegaanka oo la siiyo dadka Carabta ah ee dan yarta ah ee degan Berbera. Waa haddii la garan waayo Cidii dhaxaltooyadiisa ahayd. Waa Magdhawgii ninkii Carabka ahaa ee la yidhi beri buu u-iib keenay magaalada Berbera dooni Raashin ah, dabadeedna halkaas lagu dhacay ninkaa qariibka ah ee safarka keenay, oo dadka deegaanku aanay u gurman, isla markaana ay qariyeen ciddii dhacday, dabadeedna ninkii Carabka ahaa ee la Dulmiyey uu yidhi erayga ah “BERBERAAY XAQAAGA LA QARI”, dhacdadaas oo ah mid Fool xun , oo maqalkeeda uu jiilba-jiilka kale uu kasii maqlo, oo cid walba oo deegaanka Saaxil iyo Berbera jootaaba ay qirayaan oo ay xaqiijinayaan in ninkaasi la DULMIYEYXusid arinkaansa dadka iyo madaxduba way dhayalsadaan oo indhaha ayey ka laliyaan (they ignored). Cawaaqibkeediina waxa uu dhalay oo xaqiiqo ah ereyga hal ku dhiga ah ee ah“BERBERI WAXAY CUNTAA CIYAALKEEDA, WAXAYNA KORISAA CIYAALKA DADKA KALE”.

 waayo ILLAAHAY (SWT) waa CAADIL, wuxuu Naftiisa ka xaaraantinimeeyey Dulmiga, wuxuuna inagana (Bani-Aaamka) inaga xarinaga inaynu is Dulmino. Waxa Xaqiiqo ah Qofka Dulmi ku raaca Qof kale in isaga dib loogu Sallido Qofkii uu Dulmiga ku Raacay. Waxa Xaqiiqo ah in Dhagarta Dulmigu ay taalo Qofka gala GONDIHIISA.

Runtiina dhacdadaasi waa mid fool xun. Waana mid hadhaysay dhegaha dadka reer Berbera oo jiritaankeeda la isla qirsan yahay. Geedka lagu qaado DULMIGA iyo GAR-EEXO waxaynu ognahay in uu qalalo. Sidaas si la mid ahna Guriga ama Deegaanka lagu galo Dukmiguna waxa ka guurta naxariista illaahay, iyana xaqooda wuu lumaa, waayo hore ayey u lumiyeen xuquuq cid kale ay leedahay.

Markaa waxaan soo jeedinayaa in magdhawgaas laga bixiyo xoolaha dadka Deegaanka Berbera iyo Gobolka Saaxil. Bixinta Xuquuqdaas kadib ayuu Gobolku iyo dadka Deegaankuba ay helayaan xaquuqdooda, dadka iyo wax walbaana ay barakoobayaa. Haddii kale dhashiina ayey sugaysaa Dhaxal xumadaasi, weligiina sidaas maanta madaxdiina inta Shilimo yar la hor lulo ayey Badhkoodba loo adeegsanayaa kala qaybinta badhka kale.

Arinta ku saabsan Ciise Muuse GALBEED iyo Ciise Muuse BARI Ma Aha Dariiqo Lagu Xalaashado Tafaraaruq iyo Abuurid Tanaaqud  ee Talada Saldanada Reerka lagu Kala Faquuqo. Laakiin arinka Bari iyo Galbeed Waa Arin Degsiimo Dhuleed ee Ma Aha Kala Taganaan Ruuxeed iyo mid Firadeed toona!! Soo qaado Ragii Madaxdii Qabaa’ilka ee Xikmadda badnaa iyo Fogaan araga ahaana Arinta ku saabsan Ciise Muuse BARI  soo qaado sida (1) CHIEF CAAQIL XAAJI JAAMAC CIAAL(2) CHIEF CAAQIL XAAJI IL-BIR; IYO (3) CHIEF CAAQIL QAALIB FAARAX iyo dhacdooyinkii Taariikhiga ahaa ee iyaga iyo maamulkii Guumaystaha dhex martay. Arinta ku saabsanCiise Muuse GALBEEDsoo qaado sida (1) ABOKOR CAGALOW(2) ISMAACIIL AW-CABDI, IYO (3)SUGULE FAATAX Ragii abuuray DAN-WADAAGTA.  Dhammaan ragaas qaar kale oo ka sii darnaa oo ku jiray dhammaan qabaa’ilka JSL, ayaa waxay ahaayeen Madax aragti dheer oo Faylasuufyo (Philosophers) ahaa oo ku dayasho mudan, oo ka xakiimsan Faylasuufyada Dalalka Reer Galbeedka ee sida ‘SocratesAristotlePlato, etc.