Talo:- Xuuraan Iyo Xog Ururin Dabadeed Maxaa Xal U Ah Xisbiga UDUB? – By C/salaam-Abuhurayra

Bismillah

Marka hore waxaa wax laga xumaado ah in xisbigii la tuhunsanaa ee talada dalka mudada badan gadh-wadeenka ka ahaa, laga maqlo maanta hadallo ceeb iyo cambaar ku ah sharaftii dabiiciga ahayd ee xisbigaasi uu huwanaa.

Sida la ogsoonyahay UDUB iyo UCID waa xisbiyadii laga helay tartanka doorashadii madaxtooyada ee ugu dambaysay, iyadoo lagaga guulaystay aqlabiyad aad u saraysa, waxaanay labada xisbiba noqdeen kuwo lagaga itaal roonaaday masraxa siyaasadda, isla markaana ay gudhay rajadoodii mustaqbalku.

Iyadoo ay sidaa tahay, ayaa waxaynu la soconaa dildillaacii ku yimi xisbigii UCID iyo cidhibtiisii halkay ku dambaysay. Waxa xiga tan maanta taagan ee ka dhex qaraxday xisbigii UDUB, oo haddii aan si dhakhso ah loo furdaamin uu saaxadda siyaasadda ka siiban doono.

Aragtidayda gaaban markaan ku eego burburka iyo kala jajabka ugubka ah ee hadheeyey UDUB, Waxaan u arkaa mid fool-xumo ku ah guud ahaan qarankeena Somaliland. Waayo xisbigani maaha xisbi la fudaydsado oo waa Aabaha axsaabta Somaliland. Mid talax-gaba oo tartanka laga badiyo iyo mid tamariya labaddaba waa la deris. Balse waxaa nusqaana tuurisbuu noqday.

Sideebaa Lagu Bad-baadin Karaa?

Anigoo aan jeclayn inaan shakhsina ku xad-gudbo balse liishaankaygu saaranyahay badbaadinta xisbiga, ayaa horta waxay muhimadu tahay, in mar walba daacad laga ahaado arrimaha, Ilaahayna la kaashado, dabeetana laga fikiro yaa dan u ah xisbigan sii dumaya ee soo dabaali kara doorkii uu bulshada dhexdeeda ku lahaa, iyadoo aan loo eegayn qabyaalad, gobolaysi iyo wixii la mida?

Marka aynu dhabbada xaqiiqda cagta saarno, waxaynu ogsoonahay in badi bulshadu ay sas ka qabto UDUB iyo hor-joogayaashoodii, gaar ahaan raggii la degey ee mudada badan xilalka ka hayey, isla markaana ku qanacsanaa maamulkaasi kuna dul dumay.

Maadaama uu xaalku sidaa yahay, waxa uu xalku yahay, in isbedel dhab ah la sameeyo, kaasi oo ka gadmi kara cidda wax laga rabo oo ah bulshada. Waxaanu isbedelka ugu macquulsani uu noqon karaa, weji oo cusub oo lagu waajaho bulshada. Kaasi oo saliim ka ah, iimaha aafeeyey afkana dhulka u galiyey bah-weyntii UDUB.

Inkastoo aanan filayn in si xeel-dheer loo gorfeeyey hoggaankii hanan lahaa soona dabaali lahaa kalsoonidii ummadda, ayaa waxaa dhawaan soo baxay shakhsi aan is leeyahay waa Shimbir uu Ilaahay u soo diray UDUB. Kaasi oo aan filayo haddii uu majaraha xisbiga qabto inuu wax badan ka badali doono fikirkii xumaa ee u meel maray xisbiga. Waxaanu shimbirkani u muuqdaa midkii badbaadinayey boodhkana ka jafayey xisbiga.

Shimbirkaasi waa Aqoonyahanka da’da yar ee Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan si lama filaana ugu dhawaaqay inuu xisbiga dimuqraadiga ah ee UDUB iska soo sharrixi  doono. Dhawaqaasi markii uu soo baxay waxaa candhuuftoodii dib u cesheday rag badan oo beryahan ruclo orod ugu jiray qabashada majaraha dalka. Kuwaasi oo u badan ragga haatan ururada badan furtay iyo waliba xisbul xaakimka KULMIYE. Hadalkanna iskama lihiye waxaan ku saleeyey, xuuraan iyo xog fara badan oo aan helay.

Khilaafkan soo if-baxay ee ka dhex aloosmay  UDUB, waxa uu yididiilo galiyey rag badan oo maalmahana dibu-gurasho ku jiray. Kuwaasi oo bilaabay dacaayado raqiisa oo ka dhan ah Aqoonyahankan da’da yar ee Jamaal Cali Xuseen. Waxaanay arrintaasi markale ii Iftiimisay, sida ay werwerka iyo walaaca uga qabaan Aqoonyahankaasi. Halka aanay waxbaba iskaga tirinayn xubnaha kale ee UDUB.

Hadaba waxa la iswaydiin karaa  maxay tahay sababta rag badan oo diyaar u ah loolanka siyaasadeed ay uga masuugayaan musharaxnimada Aqoonayahan Jamaal, halka dhinaca kalena ay ku mabsuudayaan ragga kale ee damacu ku jiro?

Jawaabta su’aashaasi qof walba wuu garanayaa, nacasna loo sheegi maayo. Balse muhimaddu waxay tahay maadaama mar xalad hor leh oo gunta wax laga soo unkayo la galayo, waa in si qoto-dheer loo axadhaa cidda ka dabaalan karta ee xisbiguna ku badbaadayo. Kaasi oo aan odhan karo wakhtigan xaadirka ah waxaa munaasib ku ah oo kaalintaa buuxin kara Aqoonayahan Jamaal Cali Xuseen.

Horta Jamaal waxa uu saliim ka yahay, shaambadda ku taala xisbiga UDUB ee badi bulshadu ay kaga shaaceen. Intii aanu xisbigan dooran ka hor waxaa dhawr goor codsiyo u soo gudbiyey qaar ka tirsan ururada maanta jira ee isdiiwaan galiyey. Sidoo kalena waxaa da’yar badani kula taliyeen inuu xisbi u gooniya furto. Bil-nasiibse bahweynta UDUB oo codsigii ugu xooganaa kasoo gaadhay ayuu ku adkaystay.

Maalintii uu damaca musharaxnimada ku dhawaaqay waxa mar kaliya cirka isku shareeray sumcaddii dhulka taalay ee xisbiga UDUB, waxaana taageerayaal badan oo da’yarta u badani ay yidhaahdeen haddii xisbigu ku ogol yahay bahweynta ayaa la noolaynayaa. Waxaana taasi kaaga maraga ragga loolanka ku jiraa sida ay uga dideen dhawaqaasi.

Haddaba bal aynu wax yar dul istaagno hoosna ugu daadegno Aqoonyahanka. Ugu horeyn Jamaal Cali waa guddoomiyaha haatan ee baanka ugu weyn maraynka ee Citibanka qaybihiis Tanzaniya iyo Ivory Coast, intii uu xilkaasi hayeyna waxa uu dhawr jeer ku guulaystay abaal-marino caalamiya oo ay ka mid tahay Bankerkii ugu fiicnaa ee soo mara Citibank Group. Waxaanu dhawaan noqday qofkii jinsi ahaan ka soo jeeda Beriga Afrika ee lagu sharafo inuu furo suuqa Ganacsiga Dunida Ee Newyork.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen wuxuu wakhtigiisa ugu badan ku qaata inuu horumariyo arrimaha Bulshada wuxuu badiba gacantiisa kaga hawlgalay inuu kobiciyo iskuulo, cisbitaalo, iyo xarumaha Agoomaha Somaliland. wuxuu wakhtigiisa ugu badan ee uu fasaxa ku jiro ku qaataa inuu u faa’iideeyo Jiilka Casharana ka jeediyo Jaamacadaha Somaliland. Waana aqoonyahan ka soo shaqeeyey badiba qaaradda Afrika waxaanu Saaxiibo dhaw la yahay Madaxweynayaal badan oo Afrikaan ah sida Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacub Zuma, Madaxweynaha dalka Tanzania Jakaya Mrisho Kikwete, Ra뭝sal wasaaraha dalka Ethiopia Melez Zanawi, Madaxweynaha dalka Nigeria Goodluck Jonathon, Madaxweynaha iyo Ra뭝sal wasaaraha Kenya,  wuxuu sidoo kale aad ugu dhawyahay Madaxweynaha dalka maraykanka Barack Obama iyo weliba xubno badan oo ka tirsan Hawl-wadeenada Guriga cad ee dalka maraykanka.

Jamaal Cali Xuseen wuxuu badiba gacan weyn ku leeyahay Ururada Bulshada ee ka jira gudaha Somaliland hore wuxuu Madax u ahaa Ururka Somaliland Forum oo ah ururka keliya ee reer Somaliland ee gacan ka gaysta hawlaha Horumarinta Somaliland waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay gacanta dhaqaale ee ugu weyn ee bixiya hawlaha tabarucidda ee ururkaasi.

Jamaal Cali Xuseen wuxuu qoray dhawr Buug oo uu ka mid yahay buugga caanka noqday ee badiba yaalla maktabadaha dunida ee la yidhaahdo From Nomad To Harvard iyo buug kamida kuwa ugu akhriska badan bulshada Somalida dhexdeeda, kaasi oo la yidhaa Diiwaanka Qosolka. Dhanka kalena waa Hal-abuur kaalin mug leh ku leh suugaanta Somalida, waxaanu curiyaa noocyada kala duwan ee Suugaanta.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan odhan lahaa waar wiilkaasi waa Shimbir Ilaahay u soo diray xisbigee yaan la garan waayin. si niyad sami ahna haloo qaabilo. Waxaanan kusoo af-jarayaa maansadii DABA-TAXAN ee Abwaan Gaarriye oo ay ka mid ahaayeen:-

Talaa maanta ii daran

Talo duul ka hadhi karo

Oo dalabta lagu saxo

Talo aan la duri Karin

Talo aan dib loo arag

Hebello isu doodiya

Oo shicibka dala’sada

 

Wabillaahi Tawfiiq.

 

C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abuhurayra)

salaanmuctasim@hotmail.com

abuhurayra@hadhwanaag.org

Hargeysa, Somaliland.