Talo ku socota Madaxweyne Ahmed Siilaanyo 

Madaxweyne la taliyeyaal hodan baad ka tahay’e, bal hadaba aniguna hal dhaan wado aan rito. Markii aan arkay xaalada wadanku ku jiro, gaar ahaan Doorashooyinka soo socda ee la doonayo in la is dul saaro, iyo saami qaybsiga goboladu ay doonayaa inay golaha wakiilada ku kala qaybsadaan, iyo siyaasadaha la xidhiidha, waxa igu dhalatay inaan talo hawada kuu soo marayo. Waayo, waxaad tahay Madaxweynihii dalka, oo saaxiibo ayeynu nahay,oo isku xaafad baynu nahay, oo walaalo Muslim ah baynu nahay. Khasab maaha inaad taladayda qaadatid, laakiin anigu Xaasha ee xil aad ii magacawdo kaama rabo; oo xoolo kaama rabo. Waxaan jeclahay wanaaga Somaliland, iyo adigoo kursiga kaga dega turxaan la’aan iyo eed la’aan.

 Waxa jira laba arrimood oo muran siyaasadeed oo culays badan dhalin kara, oo haddii aan si fiican looga baaraan degin inoo horseedi kara dhibaato,burbur, iyo xasilooni darro aanu dalkeena yar ee curdinka ahi qaadi karin. Ta hore, saami qaybsiga xildhibaanada golaha wakiilada waa mindi laba af leh oo aanad dhayalsan karin. Adduunka horumaray, waxa wax lagu kala qaybsadaa, tirada dadka iyo dhul ahaan, ama labadaas oo la isku daray . Hadaba saami-qaybsigeenu waxuu ku dhisan yahay tiradii sanadku markuu ahaa 1960, oo aynu markaas ka qiyaas qaadanayno 33-kii xildhibaan ee markaas Somalilland laga doortay, iyadoo gundhig loo dhigayo lixda Gobol (Awdal, Maroodi-jeer,Saaxil,Sanaag,Sool, iyo Togdheer),oo markaas tirada gobol walba kasoo baxda lagu dhuftay 2.5, Sidaas darteed bay tirada guud ay waqtigan xaadirka ku noqotay 82 xildhibaan. Darafyada Somaliland, HartiStan iyo Awdal-ba, way ka biyo diideen fikerkan isaga ah, iyagoo u arkaya inay beesha dhexe ay sidan ku sad-bursanayso. Waxna way ka jiraan cabashadaas, waayo dee korodhka dadku marka gobolo ahaan loo eego, dee ma noqon karo mid siman( uniform), markaas tiradii 1960-kii in laga duulaa tiro koob ahaan ( statistically) sax maaha. Waxaan qabaa inay arrinta saami qaybsiga iyo gobolada cusub sida imminka loo dhayalsanayo ay ka culus yihiin, ee haloo talo badsado, oo ha noqoto mid uu Madaxweynaha kaa danbeeyaa uu shaqadeeda yeesho.

Waxa kale oo iyana jirta inuu Madaxweyne Rayaale Sameeyey 7 Gobol oo cusub(dawladaaduna mid kale ayey ku kordhisey), markaas gobolada Somaliland imminka waa 14 Gobol. Rayaale markuu sameynayey dee koley ujeedo ayuu ka lahaa, laakiin runtii waxa muuqata inay ahayd siyaasid uu Rayaale doonayey inuu cod kaga helo dadka dega goboladaas cusub, waayo waxaad ka garanaysaa siduu ugu dhigay gobolo reeraysan oo qabyaaladeysan. Gobolada sidaas ku yimi ayey dawladaadu dhaxashay. Xal adigu uma heli kartid, oo gobolo ujeedada loo sameeya aad ku lug lahayd maaha, ta kale hadaad isku daydo inaad xal u heshid, waxaad uga dhici doontaa qudhun iyo qanshaabiir. Bal sidee baad 20-kii xildhibaan ee Maroodi-Jeex lahayd ugu qaybin doontaa saddexda Gobol ee Maroodi-jeex,Hawd, iyo Gabiley? Gobolkee baa noqon doona looma ooyaan, oo uu gobol kale xaqiisa qaadan doonaa? Gobolada danbe oo dhami way reeraysan yihiin oo weliba sii jilib hooseysan yihiin. Sharci u samayn deg deg, oo imminka la iska soo dhoob dhoobo oo ujeedo badan ah, oo aad adiguna saxeexa ku duugtaa waxay inna dhaxalsiin doontaa cawaaqib xuma, adigana taariikh daada danbe dhaawac bay yeeli kartaa, waa hadaad maqashid golahan wakiilada ee waxay hore u samayn kari waayeen imminka kula hoos gabgab leh. Goboladaanu soo maraynaa oo daraasad baanu soo samaynaynaa bay iminka kugu lee yihiin. Ma ninka Caynaba geela ku raacaya iyo ka Gabiley beerta falanaya bay weydiin doonaan ” gobolkaagu ma u qalmaa Gobolnimo, mise waanu ka qaadnaa Gobolnimada?” Eebow Qaadir!

 Ta kale Madaxweyne, sow kan golihii guurtiduba iska jooga, ee mudo dhowr iyo labaatan sanno ah aanay doorasho ka dhicin. Maxay ku kala duwan yihiin labada gole ee midna lagugu mashquuliyey saami qaybsigiisa iyo doorashadiisa, ka kalena aanay cidiba u soo hadal qaadayn. Imminka lix iyo konton (56) ka mid ah golaha wakiiladu waxay sheegtaan xusbiga Kulmiye, maalintii aad kursiga fuushayna Xil. Kulmiye waxay ahaayeen 28. Intaas kugu soo biirtay waa doogsin raac iyo dhaameel cunayaal danaysta, maalintaad Mucaaridka ahayd xagay joogeen, Shan shanta boqol ee iyaga sida gaarka ah looga siiyo wasaarada maaliyad baa saaxiib kaala dhigtay. Sharci kasta oo aad rabto, korodhsi danbena ku dhehoo, waad marsiin kartaa ilayn waa dhaameel yahano waaweyne , laakiin su’aashu waxa weeye dantaada iyo ta dalka toona ma wadaan. Waxaan ku leeyahay nin aan ku furi doonini, oo imminka dhaameel kaa rabaa, yaanu kuu rarin.

 Markaas, waxaan kugula talinayaa inaad saami qaybsiga, iyo labadan doorasho ee la doonayo in la isa saaro iyo sharci yadoodaba aad laashid,oo aad xooga saartid inay doorashada Madaxweynuhu uun ay imminka dhacdo. Quraanka kariimka ah iyo Xadiisal Qudsiga midna kuma qorna meel la innagu farayo inay Siilaanyo waajib ku tahay hirgelinta saami-qaybsi gobolada ee golaha wakiilada iyo Doorashooyin isasaarin, ee adigu Madaxweyne ha is biyo dhiijinin. Kommishanka laftiisa culays badan bay ku noqonaysaa doorashadan la isa saarayaa, waa nidaam ku cusub oo aanay hore ugu shaqayn, shaqaale khibrad leh oo badhi-taari karana( capable staff) ma haystaan. Isugeyntii tirada ee naga khaldantay doorashadii degaanka waxii ay dhalisay iyo cabashadii ururka xaqsoor baa innoogu filan tusaale. Waxaad xooga saartaa inaad Kommishanka Doorashooyinka si fiican uga caawisid sidii ay kaadhadhka cod-bixinta ay dadka u wada gaadhsiin lahaayeen. Hadii ay dawladaadu ku guuleysato hirgelinta kaadh qaadasho xufan oo cid walba u cuntama, oo doorasho xor oo xalaal ah aad samaysid, waxay taasi kuu noqonaysaa khaatumo wacan. Waayo, dawladaadu waxay qabatay doorashadii degaanka oo keli ah, laakiin waxa ka dhashay dhimasho, niyad jab, iyo kalsooni daro ah inaanay dawladaadu doorasho fiican qaban karin. Adigoo maanta ka degaya kursigana uma baahnid doorasho keenta isqab qabsi, dhimasho iyo rabshado aanu dalku qaadi karin, oo dee la isku dilo. 

 Doorashadii madaxtooyada ee 2010, Madaxweyne Rayaale wasiiradiisa wuu ka xakameeyey( Xidhay) lacagtii dawlada, oo wuu ka diidey inay wasiiradiisu ay xoolaha Ummada ku galaan ololaha doorashada. Maalmihii doorashada ka horeysey baanu annagoo kommishanka ah la kulanay Madaxweyne Rayaale, waxuu nagu yidhi “Waan og ahay oo seerfarka(Server, a computer program) cod-bixiyayaashu ay ku jiraan waxa ka buuxa khashin iyo tiro been ah, laakiin anigu waxaan doonayaa inaan qabto doorasho, waayo buu yidhi waxaan soo noqday Madaxweyne ku xigeen, waxaanan imminka ahay Madaxweynihii intaas oo doorasho soo qabtay. Markaas haddii dadku dib ii doortaan waan aqbali, haddii kalena waan aqbali, oo wax is muujin ah oo ii hadhay ma jirto” buu hadalkiisii kusoo afmeeray. Hadaba Madaxweyne, adiguna waxaad soo hogaamisey halgankii dalka, doorasho ayaa 80 cod lagaaga helay oo aad ku hambalyeysay, imminka Madaxweynihii ayaa tahay, ee si qurux badan taariikhdaada siyaasadeed ku dhamays tiro. Uma baahnid in lagugu xasuusto doorashooyin dhiig ku daatay, uma baahnid in qofka aad kursiga ku wareejineysaa uu ahaado mid meesha ku yimi boob, qas, iyo doorasho aan ahayn xor iyo xalaaltona, oo aad wadankoo jaah wareersan, iyo dadkii oo isnacay aad kursiga ka degtid. Waxaad u baahan tahay Doorasho qurux badan, oo aad dadkaaga kusii sugootidid. Oo markaas la yidhaahdo “Allow oday ma ahaa”.

 Waxaan kusoo gabo gabeynayaa, saami Qaybsiga dib u dhig,doorashada golaha wakiilada dib u dhig, oo haddii doorashooyin kale la isa saarayo ha noqdeen golaha degaanka iyo golaha wakiilada. Kommishanka Doorashooyinka taageero ka sii, sidii ay u hirgelin lahaayeen, inuu qof kastoo muwaadin ahi qaato kaadh keliya. Kaadhkaas dawladaada baa sharaftiisa iyo ku faanistiisaba iska yeelan doonta. Doorashada madaxweynaha oo keliya qabo 2017, iyadoo xor iyo xalaal ah ha dhacdo, dibna yaanay doorashadu waqtigeeda uga dhicin. Xoolaha Ummadana yaanay wasiiradaadu ku hawl gelin,oo ku takri falin ,oo ha ku aakhiro xumaysan eex iyo cadaalad-daro. Dal iyo dad isku duuban ku wareeji ninka ku guuleysta kursiga. Adiguna sidaas baad sharaf ku heli doontaa. Dadkeenu way iska cafis badan yihiin, oo eedayntan maatada ku ag joogta, ee gacan-dhaafka yaryar lagu sheeg sheego, waa la iska ilaawi karaa haddii aad doorasho fiican qabatid, oo tii dawladaha hoose lagu ilaawo(waxa ugu darran uun odaygii teg eelna reeb). Qof waliba waxuu odhan doonaa walaahay odayga waxuu qabtay doorasho xor ah oo xalaal ah oo si nabad ah u dhacday. Soomaliland magac bay ku heleysaa,xaafaduna way ku godob la’dahay, adigana khaatumo fiican bay ku noqon doontaa. Ilaahay Madaxweyne khaatumada ha kuu wanaajiyo.

 

Mahadsanid,

Calikubad