Tallo Qaran Iyo Badbaado Qaranba Waa Lama Huraan – Qalinkii Ismail M Gadiid

Salaan guud ka dib ku tiigaali maayo hab-dhaqan xumida maamul iyo siyaasadeed ee ka jira CARRO-EDEG, waxaa inagaga filan

baaqa iyo dhawaaqa kasoo yeedhaya bariga iyo ka galbeedkaba(gabiley)iyo daaha uu ka qaadey agaasimaha arimaha dibeda ee is casiley hab-dhaqan xumida baahsan/habacsan kaasoo daliilkii ugu danbeeyey ah, waxaanse labadoodaba ugu dari lahaa waa ku Talla-gal Siyaasadeed DHABB ah oo uu ku dhuumanayo M/weynuhu ee maaha mid ka qaldan waxaanan u dhiganayaa faaladaasi iyadoo tifatiran maqaaladaha danbe hadii EEBE yidhaah.

Dhamaan odayadii siyaasadeed ee ku bahoobey aakhirkii KULMIYE waxey markii 3/4-aad ku dhaceen siyaasada iyo hogaaminta

bulshada waxaan qabaa kuna talinayaa in aynaan maanta ku raagin damaqa xanuunka iyo qalbi-jabka ay leedahey hungowga hogaaminta bulshada, balse doorkan maanta ah aynu GA-GAB goyno oo yeynaan ku milmin(bulshada SL) maaweelada ururada Siyaasada oo dhamaantood marka laga reebo XASAN CIISE JAAMAC(isagu ka gooni ahaa fashilka siyaasadeed ee dhacayey 20-kii sanadood ee u danbeeyey) waxey si MUG iyo MASUULNIMO leh ugu lug lahaayeen fashilkan siyaasadeed.

Markale waxaan leeyahey oo aan adkeynayaa gooni kuma aha M/weynuhu ee dhamaan Ururada iyo Ragan Yaacayaa waa isla iyagii

oo u xuub siibtey Ururo, inkastood shaadhadh kala duwan soo xidhato qofka iyo shaqsiyaduba waa iyadii qaarkoodna weli waxey

ku jiraan Xisbiyadii hore halka kuwa kalena weli wasiiro ka yihiin Xukuumadan KULMIYE dhamaantood way la wadaagaan M/waynaha

fashilka siyaasadeed, M/waynuhu wuxuu gaar u leeyahey majara-habowga QARANKA uu ku hogaamiyey siyaasadan ah dhuumashada dhabarku muuqdo.

Gaba-gabadii waan soo dhaweynayaa dhawaaqyada iyo baaqyada oo aan leeyahey waabad raagteene TALLO QARAN & BADBAADO QARANBA waa lama huraan, Qurba-joog iyo Aqoon-yahanna bulshooy waxaan idin leeyahey GALL WAX LIQA ULL-BAA LA ISKAGA DAYAA

ma wada caafimaad qabno sidaad moodeena may aheeyn ee hada wixii ka danbeeya naga fiirsada.

Qalinkii Ismail M Gadiid

imgadiid@gmail.com

LONDON 14/02/12