Tallaalka daacuunka oo Zambia ka bilaabmay

Zambia(Slpost)Hay’ada caafimaadka ee dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa sheegtay in ololihii tallaal ee ugu ballaarnaa ee ku aaddan cudurka daacuunka uu hadda ka socdo caasimadda Lusaka ee dalka Zambia.

Cudurka ayaa dalkaasi ka dilaacay bishii Febraayo, waxaana u dhintay 12 qof, halka lagu soo warramayo in uu saameeyay 700 oo qof.

Waa markii ugu horeesay ee uu cudurka daacuunka ka dilaaco dalkaasi Zambia tan iyo sanadkii 2010-kii, waxaana uu khatar ku hayaa in ka badan milyan qof oo ku nool xaafadaha isku raranka ah.

Dadkaasi ayaa badankood ku nool xafaadaha isku raranka ah ee ku yaalla gudaha iyo dibedda caasimadda Lusaka, goobahaasi oo ah kuwa ka liita dhanka faya-dhowrka.

Hay’ada dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn (MSF) oo kaashaneysa wasaaradda caafimaadka ee Zambia iyo ururka caafimaadka adduunka, ayaa waxa ay biilaameen olole tallaal oo ay MSF ku tilmaamtay inuu yahay midkii ugu ballaarnaa.

Ololaha ayaa maalintii koowaad waxaa saameeyay roob xooggan oo ka da’ay caasimadda, walow howlwadeennada ay filayaan in ay tallaalka gaarsiiyaan ku dhawaad lix boqol oo kun oo qof labada todobaad ee soo socda.