Taliyihii Laanta Socdaal gobolka Sool oo ku Geeriyooday magaalada Laascaanood

Laascaanood (SLpost)- Taliyihii laanta Socdaalka Somaliland ee Gobolka Sool Marxuum Faarax Cali Saleebaan (Dhaqane), ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Marxuum Dhaqane ayaa u geeriyooday Xanuun ku soo booday oo dhinaca Wadnaha ah maanta. Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Cali Yuusuf ayaa Saxafi u xaqiijiyay geerida Marxuumkan, isaga oo tilmaamay inuu ka mid ahaa Saraakiisha firficoon ee aqoonta ku hoggaamisa laamaha hay’adda socdaalka.

laascaanood1-300x225Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf iyo dhamaan Saraakiisha ciidamadda kala duwan ayaa Tacsi u diray Qayska uu ka baxay Marxuum Faarax Cali Saleebaan (Dhaqane,) iyo guud ahaan ummadda Somaliland.

Waxaana ay Illaahay uga baryeen inuu Marxuumka janadii ka waraabiyo intii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

SOMALILANDPOST.NET