Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland oo Aas Qaran loo sameeyey (SAWIRRO)

default

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyey xabaalaha Masallaha ee Duleedka Koonfureed ee caasimadda.

Aaska Marxuumka waxa ka qayb-galay madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, Madaxda Saddexda Xisbi Qaran, Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka, Wasiirro, Xildhibaanno iyo Qaybaha Bulshada ee kala duwan.

Ugu horrayn qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka oo hadallo kooban ka jeediyey goobta Aaska, ayaa marxuumka  Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxana ay tacsi u direen ehelladii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo ciidanka Booliska ee uu taliyahooda ahaa.

Guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, ayaa iyaguna si isku mid ah tacsi ugu diray ehelladii uu marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan ka baxay iyo ciidamada Booliska Somaliland, waxana ay ku dheeraadeen doorkii uu ku lahaa dhismaha nabadda.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo xabaasha dusheeda ka hadlay, ayaa tilmaamay inuu marxuumku kamid ahaa bud-bigayaashii nabadda ay Somaliland ku naalloonayso, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu waqti badan geliyey dhismaha ciidanka Booliska iyo tayeyntooda, isaga oo wasiirku tacsi u diray ciidamada Booliska iyo ehelladii uu marxuumku ka baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaanba ciidanka Booliska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey halyey waqti badan geliyey dhismaha qarankiisa iyo Aas-aaska nabadgelyada.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Marxuum Cabdilaahi Fadal uu noloshiisa u huray hirgelinta nabadda iyo dhismaha ciidamada Booliska Somaliland, “Ninkaasi intii uu noolaa qaranka uun buu u shaqaynayey, soddonkii sanno ee ugu dambeeyey Somaliland maalintii la Aas aasay ilaa iyo maanta waxan u malaynayaa nabadgelyada nin la mid ah mooyaane nin uga badsaday dhisiddeeda iyo ilaalinteeda inaanu jirin, sarkaal hoose ayuu kasoo bilaabay iyada oo aannu xabsi jirin, ilaa maanta uu ciidanka dhan ee uu sarreeye gaaska ka ahaa ka dhismay, intaas oo taliye oo soo shaqaysayna hawlgelinta ayuun buu ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah u xusay sifooyinkii lama illaawaanka ahaa ee Marxuumku lahaa waqtiyadii uu shaqada ku jirey, waxana uu yidhi, “Telefoonkiisu ma damaynin, ma seexanayn, ma nasanayn oo nabadgelyada uun buu u taagnaa hadh iyo habeen, Ilaahayna wuu ka abaalmarin doonaa, Taariikh ifka oo wanaagsan oo halgan uu dalkiisa dhisayna wuu leeyahay.”

default
default
default
default