Taliyihii Ciidamada Police-ka Somaliland Oo oo ku geeriyooday Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Dubai, 22 March, 2012 (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxa wadanka UAE ku geeriyooday taliyihii ciidamada Police-ka Somaliland, Marxuum Gen. Maxammed Saqaddhi Dubbad.

Marxuum Saqadhi waxa beryahaba lagu dawaynayay cisbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee wadanka Immaaraadka, waxana uu habeenkii xalay ku geeriyooday isla cisbitaalkii uu ku jiray.

alle ha u naxariistee waxa uu intiii u hana qaadayba ku dhexjira shaqada askarinimada gaar ahaan Police-ka waxana uu xilal kala geddisan oo Police-nimo ah kasoo qabtay dalka Somaliland iyo Somaliyadii horeba.

Marxuumku waxa uu ahaa nin daacad ah oo si wayn u jecelyihiin ciidama Police-ka SOmaliland, waxana ay si wayn ugu darsadeen kadib markii uu madaxweyne Siilaanyo bedelay markii uu xisbigiisii Kulmiye dalka la wareegay. iyadoo markii danbe ay madaxweyne Siilaanyo qasab ku noqotay inuu soo celiyo Gen. Saqadhi, oo lagu tilmaami jirey maskaxdii ka danbaysay in ciidanka Police-ka Somaliland ay gaadhaan heerka sare ee ay wakhtigan joogaan.