Taliyihii Booliska Somaliland oo shalay lagu Aasay Magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta

Dubai, 24 March, 2012 (SLpost)- Allaah ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa shalay lagu aasay Qubuuro ku yaalla duleedka magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu Khamiistii ku geeriyooday.

Boqollaal qof oo reer Somaliland ah, Soomaali kale iyo Madax ka tirsan Dawladda Dubai, ayaa ka qaybglay Aaska loo sameeyey Marxuum Maxamed Saqadhi Dubbad Taliyihii Booliska Somalialnd. Waxa sidoo kale, la sheegay inay Aaska Marxuumka ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah eheladiisa iyo Carruur uu dhalay.

Marxuumka oo markii hore la filayey in loo soo qaado Somaliland, isla markaana aas qaran loogu sameeyo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaanay suuragelin, ka dib markii sida la sheegay qaar ehelada Marxuumka ka tirsani dalbadeen sida la sheegay in Dubai si caadiya loogu aaso.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yuusuf Ismaaciil Cali, Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Masuuliyiinta Xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID iyo qaar ka tirsan madaxda Ururrada cusub ee Siyaasadda Somaliland ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii Booliska Maxamed Saqadhi Dubbad, iyaga oo Illaahay uga beryey inuu Marxuumka naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo guud ahaanba inta uu ka baxay, waxaanay Ciidanka ammaanka Somaliland u rejeeyeen beddal khayr qaba in Illaahay siiyo.

Illaahay ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa Taliyaha Booliska Somaliland muddo dhawr sano ah ka ahaa Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu talada ku guulaystay xilka ka qaaday, haddana mar kale dhawr bilood ka dib u magacabay inuu noqdo Taliyaha Booliska Somaliland, xilkaas oo uu hayey muddo sannad ka yar illaa habeen-hore oo uu geeriyooday, inkasta oo dhawaan la sheegay inuu Marxuum Saqadhi is-casilaad u soo gudbiyey Madaxweyne Somaliland.

Marxuum Maxamed Saqadhi Dubbad, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii Soomaaliya ee Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iy Maxamed Siyaad Barre, xilalkaas oo ahaa kuwo uu ka soo qabtay Ciidammadii amniga ee wakhtiyadii xukuumadahaas. Waxaanu Marxuumku taariikh lama illaawaan ah ku leeyahay dalalka Soomaaliya iyo Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Webmaster@somalilandpost.net