Taliyihii Booliska Degmada Fiqi-Fuliye oo Koox hubaysani Toogasho ku Khaarajiyeen (Xogo Dheeraad ah)

Hargeysa (SLpost) –Koox dablay ah oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa goor-dhawayd badhtamaha magaalada Ceerigaabo qudha ka jaray Naxariistii Janno Alle ha siiyee Taliyihii Qaybta Booliska ee Degmadda Fiqi-Fuliye ee gobolka Sanaag  Marxuum Shiine Yaasiin (Xiin-Finiin).

Wararku waxa uu sheegayaa in dilkan Budhcadnimada ah ay fuliyeen dablay ku hubaysan Qoryaha fudud kuwaas oo markii dambe is-rasaasayn xooggani dhex martay ciidamada Booliska.

Dilka Taliyaha ciidamada Booliska ee Degmada Fiqi-fuliye ayaan caddayn sababtiisa balse waxa jira warar sheegaya in dilkani xidhiidh la leeyahay Aanada dil hore loogu gaystay Taliyihii Bileyska Saldhigga Daallo ee magaalada Ceerigaabo.

Waxa la sheegayaa in ilaa iyo hadda ay Xabbaddu socoto oo ay weerar soo qaadeen beesha uu ka tirsan yahay taliyaha la dilay, waxaana la sheegayaa in maamulka gobolku ilaa hadda ku mashquulsan yahay joojinta iska horimaadka labada dhinac. Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Taliyaha hadda la dilay ay dhaawaceen laba qof oo ka tirsan beesha uu ka soo jeedo Taliyihii hore ee la dilay.

Degmada Fiqi-fuliye oo dhinaca Koonfur-bari qiyaas ahaan 80km ka xigta magaalada Ceerigaabo,  waxa dega beel ka mid ah beelaha Dhul-bahante.

Maaha markii ugu horreysay in bartilmaameed noocan oo kale ah lagu beegsado saraakiisha booliska ee gobolka Sanaag. Waxa ay ahayd badhtamihii sannadkan markii dil toogasho ah lagu khaarajiyey Taliyihii Booliska Saldhigga Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo taas oo xurguftiisu, marka laga yimaaddo doorka xukuumadda Somaliland, dhalin gaadhay isku-dhaca laba beelood oo deegaankaas wada dega taas oo mid ka mid ah uu ka soo jeeday taliyahaas hore ee la dilay. Haseyeeshee, hadda waxa uu arrinku isku beddelay xaalladdii markii hore la baqayey maadaama taliyaha hadda la dilay ka soo jeedo beeshii hore loogu aanaynayey dilka Taliyihii hore ee Dayaxa.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net