Taliyihii Booliiska Degmadda Xaaji Saalax Oo La Dilay iyo Xaaladda Dagmadaa Oo Kacsan

Xaaji-Saalax(SLPOST)- Abaaro Kowdii Habeenimo Ee Xalay Ayaa Tuuladda Laan Mulaaxo Ee Gobolka Oodweyne Lagu Dilay Allah Haw Naxariistii Taliyihii Ciidanka Booliiska Degmadda Xaaji Saalax Marxuun Hure Sahal Isagoo Hawlo Shaqo Wakhtigaasi Uu Joogay Tuuladda Laan Mulaaxo.

download (6)

Gudoomiyaha Degmadda Xaaji Saalax Khadar Cabdi Oday Oo Aanu La Xidhiidhnay Si Aanu Dilkaasi Foosha Xun Wax Uuga Weydiino Ayaa Hadalkiisa Ku Bilaabay

“Walal Marka Hore waxaan Tacsi U Dirayaa Dhamaanba Ehelkii Asxaabtii  Iyo Umadda Reer Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuunkasi Dalka Iyo Dadka U Shaqaynayey, Een Intaa Ka Dib Xalay Kowdii Habeenimo Ayaa Hure Sahal Lagu Dilay Tuuladda Laan Mulaaxo Oo Uu Hawlo U Tagay ShaLay waxaana Sida la sheegayo Taliyaha Loo Dilay Aano Hore oo u dhaxaysay laba beelood oo walaalo ah oo deegaamadan wada Daga kuwaasi oo Dilal Hore Isu Gaystay Markaa Hadda Weli Lama Aasin Waxaan Kaloo Kuu Sheegayaa Weli In Aan La Soo Qaban Gacan Ku Dhiiglayaashii Laakiin Raacdo ay ku Daba Jirto “

Gudoomiyuhu Isagoo Hadalkiisa Sii Wata  waxaa Uu Yidhi

“Runtii Xaaladdu Hadda Wey Kacsan Tahay Mana Jirto Cid Iskeed Isu Xilqaantay Oo Bilowday Wax Waan waan iyo wadda hadal ah xaaladduna waxay maraysaa s-o-s. Dawladda Oo Aanu Arintan Gaadhsiinay Ayaa Noo Sheegay Inay Nagu Soo Maqan Yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidanka RRU da Balse Weli Anaga Namay Soo Gaadhin”

Gabagabadii Gudoomiyuhu Wuxuu Farriin u Diray Dadka Ku Nool Deegaamadaasi Oo Hadda Sansaan Colaadeed Laga Dareemayo Waxaanu Yidhi:

“ Waxaan Baaq Nabadeed u Dirayaa Dadka Walaalaha Ah Ee Oodwadaagta ah Waxaan Leeyahay Nabadgelyadda Hala Ilaaliyo Arrintana Cagta Haloo Dhigo Weli Baadhitaan ayaa Socda Markaa Waxaan Idin Ka Codsanayaa In Amaanka La Sugo”

Saacaddihii u Danbeeyeyna Waxaa Magaaladda Burco Ka Ambabaxay Odayaal ,Salaadiin Iyo Waxgarad Badan Kuwaasi Oo Uu Safarkoodu Qayb Ka Yahay Xalinta Dilkan.

Muddo Haatan laga Joogo Ilaa laba Iyo Toban Sano Ka Hor Ayey Labadan Beelood Isu Geysteen dilal Balse Intaa Wixii ka Danbeeyey Waa Laga Heshiiyey Waxaanay Dhacdadan Maanta Noqotay Mid argagax Leh Oo Dib u Hurisay Colaad.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland